Aabbaha Dhalay Neymar Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Koox Ingiriis Ah Iyo Waayihii Xiddiga Reer Brazil Ee PSG Oo U Muuqda Mid Soo Dhamaanaya

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa la sheegay inuu dhamaadka xili ciyaareedkan soo afjaro waayihiisa ciyaareed ee kooxda PSG oo uu labadii sannadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayay, taaas oo lacag waalli ah kaga iibsatay PSG sannadkii 2017.

27 jirkan ayaa Parc des Prince ku tegay lacag dhan 222 milyan Euro, laakiin labada xili ciyaareedba waxa uu saftay ciyaaro aan ka badnayn inta ay ciyaaryahannadu hal xili ciyaareed ku saftaan, sababtoo ah, waxa haleelay dhaawacyo qaybtii labaad ee labada xili ciyaareedba, kuwaas oo uu ku seegay  ku dhowaad min afar bilood.

Neymar oo lagu tiriyo mid ka mid ah ciyaaryahannada waqtigan dunida ugu wanaagsan ayaa hoos uga dhacay halkii uu kaga jiray qiimaynta ciyaaryahannada caalamka, waxaanay taasi soo dedejinaysaa inuu tago horyaal kaga horreeya qiimaynta kan waddanka Faransiiska ee Ligue 1.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa si aad ah loola xidhiidhinayaa, hase yeeshee aabbaha dhalay Neymar ayaa waxa uu ka degay waddanka Ingiriiska oo uu kulan qarsoodi ah kula soo yeeshay mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan waqtigan, taas oo wararku sheegayaan inuu wiilkiisu doonayo inuu ka mid noqdo.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon, Neymar Santos Sr oo dhalay Neymar ayaa waxa uu kulan qarsoodi ah magaalada Manchester kula yeeshay masuuliyiin ka socda kooxda kubadda cagta Manchester City, waxaanay ka wada hadleen sidii uu laacibka reer Brazil u tegi lahaa Etihad Stadium

Wargeysku waxa uu sheegay in tababare Pep Guardiola uu doonayo in Neymar uu gacantiisa soo galo, qaybna ka noqdo raacdada koobka uu ku guuleysan kari la’yahay ee Champions League.

Warku waxa uu intaa ku daray in Neymar uu aaminsan yahay inuu qaab ciyaareedkiisu kusoo baxayo Manchester City, sidoo kalena uu horyaalka Premier League siinayo qiimayn uu ugu dambaynta ku heli karayo abaal-marinta xiddiga adduunka ugu fiican.