AKHRISO: Manchester United vs Liverpool – Rikoodhka Kulamadoodii Hore, Meelaha Dagaalka Ugu Weyn Ka Iman Doono Iyo Xogta Ciyaarta Maanta

Kulanka ugu weyn waddanka Ingiriiska ayaa waxa uu maanta ku dhex marayaa kooxaha Manchester United iyo Liverpool garoonka Old Trafford, kaas oo natiijadiisu ay qiimayn gaar ah ka yeelanayso horyaalka oo raadkiisu saamayn ku yeelan doono miiska kala sarraynta.

Manchester United oo u dagaallamaysa booska afraad ayaa waxay waajahaysaa Liverpool oo oo halgan ugu jirta inay ku guuleysto Premeir League markii ugu horreysay tan iyo 1990-kii.

Man United iyo Liverpool oo mid walba uu 38 jeer ku guuleystay horyaalka ayaa waxay isku faro saarayaan xilli ay jewi wacan labada naadiba ku jiraan.

Kulankii iskugu dambeeyey labadan kooxood oo qabsoomay bishii December ayaa waxa uu sahayday Jose Mourinho, waxaanu fursad siiyey Ole Gunnar Solskjaer, oo dib ugu soo celiyey kaalinta afraad oo markii hore ay quus ka ahayd.

13 kulan oo Solskjaer uu shaqada hayey, waxa uu guuleystay 11 ka mid ah, hal barbarro ah iyo mid laga badiyey, waxaanay taasi keentay in baaqyo badan loogu jeediyo maamulka United inay shaqo rasmi ah siiyaan Solskjaer.

Ninkan u dhashay waddanka Norway, waxa uu hore usoo garaacay Tottenhan, Arsenal iyo Chelsea muddadii koobnayd ee uu joogay, waxaase jallaafo u dhigtay Paris Saint-Germain oo 2-0 ku garaacday lugtii koowaad ee ka qabsoontay Old Trafford.

Safarka Liverpool ugu imanayso, waxa uu United ula mid noqon karaa midkii PSG, balse xasuusta booqashadii Anfield ee sababtay shaqo ka caydhintii Jose Mourinho ayay aarsigeeda u istaagi doonaan, halka aanay marnaba joojinaynin dagaalka qarniga soo jiray ee cadowgooda ugu weyn ay isku haleelayaan.

Waxyaabaha Manchester United dhiirigelinta u noqonaya kulankan, waa inay rajada horyaalnimada ee Liverpool baabi’iyaan, maadaama aanay marnaba doonayn inay arkaan Reds oo guul gaadhaysa, taas oo ay u dheer tahay inay sii haysanayaan dhibicda ay ka horreeyaan Arsenal iyo Chelsea.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, Manchester United waxay haysataa shan badis ah iyo hal barbarro ah, laakiin haddii laysku duuduubo kulamadii horyaalka ee uu Solskjaer hoggaamiyey oo ahaa sagaal, waxa uu badiyey siddeed ka mid ah iyo hal barbarro ah.

Dhinaca kale, Liveprool ayaa booqashadeeda Old Trafford ay u tahay xaasaasi iyo muhiim ay ku xidhan tahay rajadeeda horyaalka oo si kumeelgaadh ah ay hoggaaminta ugala wareegtay Manchester City.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey, kooxda tababare Jurgen Klopp waxay ogolaatay inay fursad siiso Man City oo hoggaanka kagala wareegtay farqiga goolasha, laakiin ciyaarteeda Old Trafford ayaa ay dib ugu soo ceshan kartaa, waxaanay uga baahan yihiin ugu yaraan hal dhibic maadaama ay Citizens goolal toban ah ka sarreyso.

Liverpool kuma fiicnayn kulamadii ay garoonkeeda dibedda uga abxday xili ciyaareedkan, sidoo kalena ciyaartii ugu dambaysay ee garoonkeeda waxay barbarro goolal la’aan ah la gashay Bayern Munich.

Marka si guud loo eego, lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, waxay guuleysatay saddex kaliya, laba barbarro ah iyo hal laga adkaaday.

Xogta ciyaarta

Kulanka: Manchester United vs Liverpool

Tartanka: Premier League, usbuuca 27aad

Waqtiga: 5:15PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Michael Oliver

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Manchester United ayaa war wanaagsan ka heshay xiddigaha dhaawaca kaga maqan ee Anthony Martial iyo Jesse Lingard oo kasoo horreeyey waqtigii la filayey, waxaanu tababare Solskjaer tilmaamay inuu rajo buuxda ka qabo Martial kulankan.

Goolhaye David de Gea oo 99 ciyaarood oo horyaalka ah nadiif ka dhigay, ayaa hiigsan doona inuu gaadho 100 ciyaarood oo EPL ah oo aan shabaqiisa kubbad la taabsiinin, laakiin warka wanaagsan ayaa ah in Paul Pogba oo dhaliyey siddeed gool iyo shan caawin ah sagaalkii kulan ee Premier League ee ugu dambeeyey uu diyaar u yahay inuu dhigto rikoodhkiisii ugu fiicnaa, isla markaana uu dhaliyo shan ciyaarood oo xidhiidh ah, waxaana uu la sinmi doonaa rikoodh uu dhigay Robin van Persie sannadkii 2013 oo ahaa shan kulan oo goolal ah.

Dhinaca kale, Liveprool ayaa dib u heli doonta difaaceeda Virgil van Dijk oo kusoo laaban doona safka koowaad kaddib markii uu ganaax ku seegay ciyaartii Bayern Munich.

Joel Matip ayaa xajisan doona safka koowaad, halka Trent Alexander-Arnold iyo Robertson ay dhinacyada dambe istaagi doonaan.

Klopp ayaa isbeddel ku samayn kara khadkiisa dhexe, waxaana uu keeni karaa Fabinho iyo James Milner, waxase loo badinayaa in shaxdii uu kula ciyaaray Munich uu ku sameeyo isbeddl.

Afka hore ee weerarka ayaa waxa wada jir u hoggaamin doona Sadio Mane oo noqon kara ciyaartoygii shanaad ee taariikhda Liverpool shan kulan oo xidhiidh horyaalka Premier League ka dhaliya goolal, halka Salah aanu weli gool ka dhalinin Manchester United.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Man United: De Gea; Young, Bailly, Lindelof, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Mata, Rashford, Martial

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Henderson, Keita; Salah, Firmino, Mane

Rikoodhka kulamadii hore u dhexmaray labada kooxood

Sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ee Liverpool ay booqatay Old Trafford waxay guuleysatay hal mar oo kaliya oo ahayd March 2014.

Inkasta oo kulankani uu yahay mid xamaasaddiisa leh, haddana toddobadii ciyaarood ee horyaalka ee ugu dambeeyey, lama bixinin wax kaadh cas ah.