Arsenal Vs Tottenham Iyo Isku Aadka Wareega Siddeed Dhamaadka EFL Cupka Oo La Soo Saaray Ayay Ku Aadeen Chelsea Iyo Man City?

Afar kulan oo ka mid ah wareega 16ka kooxood ee EFL Cupka ayaa caawa la ciyaaray waxaana soo siddeed dhamaadka tartankan u soo gudbay kooxaha Chelsea, Arsenal, Tottenham iyo Middlesbrough kadib markii ay guulaysteen kulamadii la ciyaaray.

Kadib markii ay la soo gaba gabeeyay afarta kulan waxaa la sameeyay isku aadka siddeed dhamaadka EFL Cupka waxaana hore wareega siddeed dhamaadka EFL Cupka u sii joogay kooxaha  Bournemouth iyo Burton Albion halka dib loo dhigay kulankii dhex mari lahaa kooxaha Leicester City iyo Southampton kadib shilkii diyaaradeed ee King Power Stadium ka dhacay.

Waxa kale oo ay Manchester City la ciyaari doontaa kooxda Fullham iyada oo haysata fursad ay ugu soo bixi karto wareega siddeed dhamaadka EFL Cupka ee haddaba isku aadkiisa la sii sameeyay.

Maxaa Ka Soo baxay Isku Aadkii Siddeed Dhamaadka EFL Cupka:

Kooxaha ree London ee Arsenal iyo Tottenham ayaa madax laysku galiyay waxayna ku xifitami doonaan Emirates Stadium kulanka siddeed dhamaadka EFL Cupka.

Laakiin Manchester City oo koobkan difaacanaysa ayaa lagu aadiyay midkii soo baxa Leicester City iyo Southampton iyada oo marka hore Sky Blues iyaduna la ciyaari doonta kooxda Fulham.

Chelsea ayaa lagu aadiyay kooxda Bournemouth waxayna nasiib kale u yeelatay in wareega xidiga ay markale ku ciyaari doonto Stamford Bridge.

Isku Aadka Wareega Siddeed Dhamaadka EFL CupKa Oo HDamaystiran:

Leicester / Southampton vs Manchester City / Fulham

Arsenal Vs Tottenham

Middlesbrough vs Burton

Chelsea vs Bournemouth

Kulamada siddeed dhamaadka EFL Cupka waxaa la ciyaari doonaa todobaadka ka bilaabaya 17 December,2018 markaas oo ay kooxahani u tartami doonaan wareega afar dhamaadka tartankan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*