Arsene Wenger Oo Ugu Dambayn Go’aan Ka Gaadhay Kooxda Uu Tababaraha U Noqonayo

Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Arsenal, Arsene Wenger ayaa go’aan ka gaadhay xilliga uu kusoo laabanayo shaqada tababarenimo oo uu ka maqnaa tan iyo bishii April ee sannadkan iyo kooxda cusub ee uu hoggaamin doono.

Arsene Wenger ayaa la sheegay inuu wada-hadallo kula jiro kooxda kubadda cagta waddanka Talyaaniga ee AC Milan, kuwaas oo la fillayo in toddobaadyo gudahood lagu soo gabo-gabeeyo.

Warku waxa uu sheegay in labada dhinac horumar ka sameeyeen wada-xaajoodkooda oo ay isku waafaqeen qoddobada qeexaya shaqada, nidaamka wax loo wadayo iyo muddada qandaraaska, hase yeeshee waxa aan weli laysla meel dhigin lacagta uu mushaharka u qaadanayo.

Sida uu qoray wargeyska France Football, 69 jirkan ayaa shaqada ka beddelli doona Gennaro Gattuso, waxaana qorshahan udub-dhexaad u ah agaasimaha ciyaaraha Milan, Leonardo.

Si kastaba ha ahaatee, Arsene Wenger ayaa dhamaadka xili ciyaareedkii hore waxa uu ka dhaqaaqay Arsenal oo muddo 22 sannadood ah uu tababare u ahaa.