Barcelona Oo Khaati Ka Taagan Hab-dhaqanka Ousmane Dembele iyo Xanuunkii Ugu Dambeeyey Ee Uu Kaga Maqnaa Tababarka Oo Laysku Seegay

Kooxda kubadda cagta waddanka Spain ee Barcelona ayaa khaati ka taagan hab-dhaqanka weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele, kaddib markii uu xanuun ku seegay tabababarkii Arbacadii ee kooxdu iskugu diyaarinaysay kulankeeda toddobaadka oo ay u dagaallami doonto guul ka hor inta aanay u bixin fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Sida ay sheegtay idaacadda RAC1, Ousmane Dembele ayaan calool xanuun ka cabanayey, hase yeeshee kuma soo wargelinin kooxdiisa in uu tababarka uga maqnaanayo xanuunka uu dareemayay.

Warku waxa uu sheegay in Barcelona isku dayday inay xidhiidh la samayso ciyaartoyga ka hor intii aanu tababarku bilaabanin, laakiin looga jawaabi waayey telefoonka gacanta ee Dembele oo ay waceen.

90 Daqiiqadood kaddib markii lala xidhiidhay oo ku beegnayd xilli uu tababarku meel dhexe marayo, ayaa uu Dambele soo garaacay kooxda, waxaanu u sheegay inuu calool xun la xarbiyayo oo uu dareemayo dhib aan u ogolaanaynin inuu tababarka yimaaddo.

Tababarkii Jimcaha ayaa waxa uu warku sheegay in tababar kooban loo diray, iyadoo aan weli laga dareemaynin xaalad caddayn karta inuu si buuxda uga caafimaadayo calool-xanuunka iyo in kale.

Ficilka habsanka ah ee Dembele ayaa uu warku sheegay inay Barcelona ka cadhootay, waxaana laga war-sugayaa in tababare Ernesto Valverde uu shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Axadda ee Real Betis uu ku sharraxo xaaladdiisa.