Barcelona Oo U Gudubtay Wareegga 16-ka, Napoli & PSG Oo Dhibcaha Qaybsaday, Tottenham Oo Dirqi Kaga Baxsatay PSV Iyo Goolkii Icardi Dhibicda Ku Siiyey Inter Milan Dhamaadka Ciyaartii Barca Ee San Siro

Kooxaha Inter Milan iyo Barcelona ayaa kulan xiiso badan oo dhex maray waxay ku qaybsadeen saddexda dhibcood kadibmarkii uu Icardi noqday xidiga kooxdiisa Inter Milan guuldaro soo gaadhi lahayd ka badbaadiyay wuxuuna dhamaadkii ciyaarta kansalay gool uu Malcom guul ugu hogaamin lahaa Barca.

Laakiin kulanka kale ee sida wayn loo sugayay ee kooxaha Napoli iyo PSG ayaa isna barbaro 1-1 ah ku dhamaaday waxayna natiijadani ka farxisay kooxda Liverpool oo guuldaro kala sii kulantay kooxda Red Star Belgrade.

Barcelona oo xaqiijisan lahayd wareega 16ka kooxood waxaa ka hor joogsaday Icardi iyo waliba guushii soo laabashada ahayd ee ay Tottenham ka gaadhay kooxda PSV oo iyadu gabi ahaanba xaaladeedu noqotay mid aan rajo lahayn.

KULANKA NAPOLI VS PSG:

Kooxaha PSG iyo Napoli ayaa kulankan ciyaarayay iyaga oo ahaa kooxaha u tartamayay hogaanka Group C kadib markii ay Liverpool guuldaro xanuun badan kala soo laabtay Red Star waxayna labadan kooxood ogaayeen in saddexda dhibcood u dhigmeen lix dhibcood oo kale.

Shixihii Rasmiga Ahaa Ee Napoli iyo PSG:

NAPOLI (4-4-2): David Ospina; Mario Rui, Kalidou Koulibaly, Raul Albiol, Nikola Maksimovic; Fabian Ruiz, Marek Hamsik, Allan, Jose Callejon; Dries Mertens, Lorenzo Insigne.

Kaydka:Orestis Karnezis, Amadou Diawara, Kevin Malcuit, Arkadiusz Milik, Piotr Zielinski, Elseid Hysaj, Adam Ounas.

PSG (3-5-2): Gianluigi Buffon; Marquinhos, Thiago Silva, Thilo Kehrer; Thomas Meunier, Julian Draxler, Marco Verratti, Angel Di Maria, Juan Bernat; Kylian Mbappe, Neymar.

Kaydka: Stanley N’Soki, Presnel Kimpembe, Alphonse Areola, Eric Maxim Choupo-Moting, Moussa Diaby, Adrien Rabiot, Edinson Cavani.

Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxood si xoogan ugu dagaalameen laakiin Paris Saint-Germain oo ahayd kooxda uu culayska wayni ku saarnaa in ay kulankan guul gaadho ayaa ahayd kooxda shaqada ugu badan qabtay.

Daqiiqadii 45+2 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta Paris Saint-Germain ayaa Napoli kaga naxsatay goolka furitaanka waxaana quluubta jamaahiirta PSG soo nooleeyay Juan Bernat kaas caawin ka helay da’yarka Mbappe waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay PSG waqti muhiim ah hogaanka ciyaarta ku heshay.

Napoli oo kulankii Paris xaalad adag ku abuurtay PSG ayaa qaybtii hore ee kulankan ku fashilantay in ay hal bartilmaameed oo goolka Paris Saint-Germain ah ay samayso taas oo muujinaysay sida aanu goolhaye Buffon dhibaato badan u arag.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Paris Saint-Germain hogaanka ciyaarta ku haysay waxayna waqtigan Napoli u dhacday kaalinta saddexaad ee Group C taas oo cadaadiskii PSG ku soo wareejisay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Napoli soo laabtay iyada oo dhaarsan oo doonaysay in ay ciyaarta ku soo laabto waxayna ciyaartu noqotay mid ka sii kululaatay sidii qaybtii hore.

Daqiiqadii 62 aad Napoli ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda barbaraha ee ay ciyaarta ugu soo laabtay waxana goolkan oo rekoodhe ahaa u saxiixay  Insigne kaas oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 55 aad waxaa lays waydiiyay sababta ayna Napoli goolka labaad u keensan laakiin Buffon ayaa Napoli la degay kadib markii ay Insgne iyo Mertens si cajiib ah iskugu soo xidhmeen wuxuuna Buffon sabab u noqday in aan kooxdiisa dhinaca kale loogu dhigin natiijada ciyaarta.

Buffon ayaa kooxdiisa PSG fursado kale oo laayableh ka badbaadiyay laakiin Napoli iyo Paris Saint-Germain ayaa awoodi waayay in ay goolal kale dhaliyaan taas oo keentay in ay barbaro 1-1 ah ku kala baxaan waana natiijadii ugu fiicnayd ee ay Liverpool kulankan ka rabtay kadib guuldaradii ka soo gaadhay Red Star Belgrade.

Bogga 2-aad ka sii akhriso kulanka Barcelona iyo Inter Milan si la mid ah natiijooyinka oo dhamaystiran: