Boqorka Panenka: Sergio Ramos Oo Boqortooyadiisa Xayndaab Kale Ku Dayray Xalay Iyo Luis Enrique Oo Amaan Ugu Qubeeyey

Kabtanka xulka qaranka Spain, Sergio Ramos ayaa mar kale  sii adkaystay rikoodhkiisa dhalinta goolasha nooca loo yaqaano Panenka, kaddib markii uu daqiiqadihii dhamaadka guul ugu horseeday waddankiisa oo ciyaar ka tirsan isreeb-reebka Euro 2020 2-1 kaga adkaaday Norway.

Ramos ayaa diiwaangashaday goolkiisii 18aad ee uu u dhaliyey xulka qaranka Spain iyo ciyaartiisii shanaad oo xidhiidh ah ee uu goolal u saxeexo, balse marka laga yimaaddo guusha uu u horseeday, waxa uu ahaa rikoodh kale oo ah inuu sii adkaystay diiwaankiisa goolasha rikoodheyaasha ah ee badhtamaha goolka la toogto iyadoo goolhayahana dhinaca kale loo dirayo.

Goo;lasha noocan ah oo lagu yaqaanay laacib lagu magacaabi jiray Panenka, ayaa waxa hadda boqornimadeeda iska leh Sergio Ramos oo dhawaan uu ninkii loogu magac daray ku tilmaamay inuu yahay boqorka laagga Panenka, balse waxa kale oo jira rikoodh kale oo uu doonayo inuu barbarreeyo ciyaarta Malta ee usbuucan, isaga oo soo qaban doona David Villa, Fernando Hierro iyo Pirri oo lix kulan oo isku xiga goolal u dhaliyey Spain.

Rikoodhahan oo ahaa kii 10aad ee xili ciyaareedkan uu Sergio Ramos dhaliyo, ayaa waxa ka hadlay tababare Luis Enrique, waxaana uu ku tilmaamay ciyaartoy laf-dhabar u ah dalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos ayaa haysta fursad uu kusii dheeraysan karo rikoodhkiisa goolasha noocan ah maadaama uu yahay ninka Real Madrid ay u dooratay inuu rikoodheyaasha laagto, sidoo kalena xulka qarankiisu masuuliyaddaas saaray.