Brahim Diaz➡Real Madrid, Pulisic➡Chelsea, Rabiot➡Arsenal – Wararkii Ugu Dameebeyey Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyga

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ee aan ka soo uruurinay wargeysyada Yurub ka soo baxa saaka oo Talaado ah.

Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha January iyadoo kooxaha Yurub la filayo inay soo iibsadaan xiddigo ay isku sii xoojiyaan inta ka harsan xilli ciyaareedka, halka kooxaha qaar ay isha ku hayaan xiddigo ay doonayaan xagaaga danbe, waxaana maalin walba idiin soo gudbin doonaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa.

Xaquuqda wararka ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga waxaa iska leh warbaahinta ku hor qoran.

Xiddiga reer Spain Brahim Diaz oo 19-jir ayaa doonaya inuu isaga tago Manchester City kuna biiro kooxda Real Madrid, walow Pep Guardiola uu doonayo inuu sii joogo. (The Sun)

Chelsea ayaa dalabkii ugu horreeyay ka gudbisay xiddiga Borrusia Dortmund Christian Pulisic, balse kooxda reer Jarmal waxey ku dooneysaa xiddiga reer Mareykan adduun dhan 70 Malyan oo Pound, waxaana suuragal ah inuu doorbido Liverpool. (Evening Standard)

Kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa bartilmaameed ka dhiganaya Adrien Rabiot oo 23-jir ah, xiddigaan wuxuu doonayaa inuu si xor ah uga tago Paris Saint Germain dhamaada fasalkaan. (RMC)

Xiddiga reer Brazil Alex Sandro ayaa dalab ka helay koox aan la magacaabin oo ka dhisan horyaalka Premier League, 27-jirkaan waxaa loo balan qaaday mushaar 10 Malyan oo Yuuro lagu siinayo sanadkii, waxaana horay loola xiriirinayay Manchester United. (The Sun)

Kooxaha London ka wada dhisan ee Chelsea, Tottenham iyo Arsenal ayaa wada xiiseynaya xiddiga Real Madrid Isco oo 26-jir ah. (The Sun)

Cesc Fabregas ayaa u fasaxan inuu isaga baxo Blues dhamaadka fasalkaan, sidoo kalana waxaa laga yaabaa in heshiis hordhac ah uu la galo Milan, sidoo kale kooxda San Siro ka dhisan waxey xiiso u qabtaa Zlatan Ibrahimovic. (Football Italia).

James Rodriguez oo 27-jir ah ayaa doonaya inuu isaga guuro Bayern Munich halkaas uu amaah laba sano ah ku joogay – hadii uu boos ka heli waayo kooxda Niko Kovac marka uu dhaawaca kasoo tooso. (Marca)