Chelsea Oo Guul Ka Gaadhay Kooxda Halyaygeeda Frank Lampard Ee Derby County, Arsenal Oo Dhinaca Iskaga Dhigtay Blacpool Iyo Matteo Guendouzi Oo Kulanka Liverpool Ganaax Ku Seegaya.

Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa u soo baxay wareega siddeed dhamaadka EFL Cupka kadib markii ay guulo ka gadheen kooxaha Derby Couunty iyo Blackpool sida ay u kala horeeyaan. Chelsea ayaa kulan shan gool qaybtii hore layska dhaliyay waxay guul kaga gaadhay Derby County oo afar ka mid ah goolashan ay ciyaartoyda kooxdeedu dhaliyeen.

Arsenal ayaa iyaduna guul ka gaadhay kooxda Blackpool laakiin waxay kulankan ku wayday Matteo Guendouzi oo kaadhka cas loo taagay kaas oo ganaax ku seegi doona kulanka muhiimka ah ee Liverpool.

Kulanka Arsenal Vs BlackPool:

Shixihii Arsenal & Blackpool:

Arsenal  XI (4-2-3-1): Petr Cech; Carl Jenkinson, Shkodran Mustafi, Julio Pleguezuelo, Stephan Lichtsteiner; Emile Smith-Rowe, Matteo Guendouzi; Henrikh Mkhitaryan, Aaron Ramsey, Ainsley Maitland-Niles; Danny Welbeck.

Kaydka: Lucas Torreira, Rob Holding, Emiliano Martinez, Eddie Nketiah, Pierre-Emerick Aubameyang, Alex Iwobi, Joe Willock.

Blackpool XI (4-4-2): Mark Howard; Michael Nottingham, Marc Bola, Oliver Turton, Ben Heneghan; Jay Spearing (c), Paudie O’Connor, Callum Guy, Nathan Delfouneso; Liam Feeney, Jordan Thompson.

Kaydka: Ryan McLaughlin, Christoffer Mafoumbi, Harry Pritchard, John O’Sullivan, Chris Taylor, Joseph Dodoo, Mark Cullen.

Dhacdooyinkii Ciyaarta Ugu Muhiimsanaa:

Daqiiqadii 33 aad Arsenal ayaa dadaalkii ay goolka furitaanka ku doonaysay ugu danbayn kaga midho dhalisay waxaana goolkan u saxiixay difaaca Lichtsteiner kaas oo dhamaystiray kubbad caawin uu sameeyay M. Guendouzi waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Gunners hogaanka ku qabtay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda martida ahayd ee Blackpool inta badan difaacasho ku qaadatay inkasta oo ay dhawr jeer weeraro samaysay waxayna ahayd Arsenal kooxda fursadaha ugu badan goolal ku raadinaysay.

Laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Gunners hogaanka ciyaarta ugu haysay goolka kaliya ee uu Lichtsteiner kooxdeeda u dhaliyay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Arsenal ayaa sii waday dadaalkii ay ku doonaysay in ay ciyaarta ku disho oo ay goolal kale keensato waxayna wali Blackpool doonaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

Daqiiqadii 50 aad Arsenal ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay waxaana goolkan u dhaliyay da’yarka uu Emery fursada siiyay ee Smith-Rowe kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Gunners hogaanka ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 53 aad birta goolka!! Kooxda Blackpool ayaa ugu dhawaatay in ay gool keensato laakiin darbo uu  O’Connor ku dhalin lahaa goolkan ayay birtu ka beenisay iyada oo Arsenal ka badbaaday gool cadaan ah.

Daqiiqadii 56 aad Kaadhka Cas! Arsenal ayay dhibaato soo gaadhay kadib markii kaadhka cas loo taagay Guendouzi kaas oo qaatay kaadhka labaad ee digniinta ah ee uu ku mutaystay in garoonka banaanka looga saaray waxaana Gunners lagu soo koobay 10 ciyaartoy.

Daqiiqadii 66 aad Blackpool ayaa rajadeeda sare u qaaday kadib markii ay keensatay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan u saxiixay P. O’Connor oo hore birta u garaacay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Arsenal hogaanka ku hayso balse ay kalsoonidii badnayd ku lumisay.

Daqiiqadii 84 aad kaadhkii casaa ee labaad ee ciyaarta ayuu garsooruhu u taagay P. O’Connor kadib markii uu qalad ku galay Aubameyang waxayna markan noqotay 10 vs 10 iyada oo Gunners heshay fursad ay ciyaarta ku sii ilaashan karto.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Gunners ku garaacday kooxda Blackpool waxayna Arsenal u soo baxday wareega siddeed dhamaadka EFL Cupka iyada oo wareegan kula biirtay kooxaha Chelsea iyo Tottenham oo ay London ka wada dhisan yihiin.

Bogga 2-aad Ka Akhriso Kulanka Chelsea iyo Derby County.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*