Ciyaartii Sannadka: Kooxaha Cadalool Iyo Ex-Faaco Oo Kulan Taariikhda Galay Ku Yeeshay Hargeysa, Wacdarihii Geel-jire, Ililis, Axmed-deeq, Alves Iyo Oday + Shaxdii Labada Kooxood Ee Xusuusta Soo Celisay

Ciyaar xamaasad badnayd oo dib usoo celisay xasuus tagtay toban sannadood ka hor oo ay isku haleeleen kooxaha Cadalool cadalool.com & cadalool.net iyo EX-Faaco ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa, taas oo ay markii ugu horreysay ku kulmeen ciyaartooyo ay iskugu dambaysay sannado hore.

Ciyaartan oo muddo toddobaad ah la sugayey, si weyna u haysatay baraha bulshada, ayaa gellinkii hore ee Jimcaha ka qabsoontay garoonka 31 May ee Magaalada Hargeysa, waxaana wacdaro ka dhigay ciyaartooyo magac weyn ku lahaa kubadda cagta oo sannadihii ugu dambeeyey garoomada ka maqnaa.

Kulan ciyaareedkan oo qaban-qaabadeeda laga dareemayay magaalada toddobadii maalmood ee u dambeeyey, ayaa waxay labada kooxood soo xusheen saf adag oo guusha u keeni kara, waxaana kala hoggaaminayey ruug-caddaayada khibradda badan ee Mustafe Ililis iyo Axmed-deeq oo ahaa kabtannada labada kooxood.

Shaxdii labada kooxood

Cadalool: Sahal; Canbuur, Ridwaan Balaayo, Culimo;  Sir Cayto, Axmed-deeq (DG), Axmed-yare; Axmed Geel-jire iyo Siciid Messi.

EX-Faaco: Kamsari; Guuleed Alves, Dhego, Guuleed (Dhiisha); Mustafe Ililis, Maxamed-khadar Oday, Mukhtaar Mooriino; Caydaruus iyo Faysal.

Beddelkii labada kooxood:

Cadalool: Caydaruus Sheekh, Mukhtaar (Gaabane), Diiriye, Xamse iyo Nagiib.

EX-Faaco: Xasan, Cabdiraxmaan, Maxamed Cali

Warka oo dhan kasii akhri bogga 2