Cristiano Ronaldo Oo Sameeyey Dabbaal-deggii CEEBTA Ahaa Lagu Ganaaxay Diego Simeone – Miyuu Ciqaab Kala Kulmi Doonaa UEFA?

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sameeyey dabbaal-deg la mid ah midkii Diego Simeone ee lugtii hore ee labada kooxood, kaddib markii uu dhamaystiray saddexleyda uu kusoo saaray Juventus.

Tababare Diego Simeone ayaa hore dabbaal0deggan oo kale u sameeyey, isagoo sharraxaad  dheeraad ahna ka bixiyey markii wax laga weydiiyey dhaqan-xumadaas, laakiin waxa uu si kooban ugu adkaystay inuu leeyahay xiniinyo badan oo sabab u noqday inuu qaab geesinimo leh uga adkaaday Juventus ciyaartii hore ee 2-0 ka ay kaga badiyeen garoonka Wanda Metropolitano, hase yeeshee waxa uu ku mutaystay ganaax lacageed.

Juventus ayaa iyaduna soo laabasho cajiib ah samaysay xalay, waxaanay 3-0 ku muquunisay Atletico Madrid oo guusha isasiii siisay kulankii hore, balse markanna xamaasaddu kama maqnayn, waxaana damaashaad u ekaa midkii anshax xumada ahaa ee Simeone sameeyey Cristiano Ronaldo oo saddexda goolba dhaliyey.

Xiddiga reer Portugal oo ka hor ciyaarta Atletico soo dhaliyey hal gool oo kaliya tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ayaa markii uu saxeexay rikoodhihii guusha, waxa uu soo minguuriyey dabbaal-degga Simeone oo horena u sameeyey xilligii uu ciyaartoyga ahaa.

Tababaraha reer Argentine ayaa arrintan ku mutaystay ganaax lacageed oo dhan 20,000 Euro, balse Cristiano Ronaldo kama baaqsanin inuu xakameeyo xamaasaddiisa, waana dhacdo UEFA ay gacanta gelin doonto.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamka ayaa si weyn isku barbar-dhigay labada damaashaad oo ka midaysan halka ay gacmaha ku hayaan ee ah xubinta tartanka agteeda.