DAAWO: Wacdarihii Uu Vinicius Jr Ka Dhigay Ciyaartii Xalay Iyo Qaabkii Uu U Khalkhaliyey Qorshihii Barcelona Kusoo Gashay Garoonka

Kooxdiisa Real Madrid waxay garoonka Santiago Bernabeu soo gashay xalay iyadoo niyadda ku haysa in kulankii hore ay 1-1 kula soo dhamaysatay Barcelona, markanna ay guusha uga dhowdahay cadowgeeda maadaama ku ciyaarayso garoonkeedii oo ay garab ka helayso taageereyaasha.

Riyadaasi umay rumoobin, waxaana lagaga adkaaday 3-0 ay guusha la hoyatay Barcelona, hase yeeshee, waxa dhinaca kale ay jamaahiirta Real Madrid ku farxeen xiddigooda da’da yar ee Vinicius Jr oo wacdaro ka dhigay kulankan inkasta oo uu khasaariyey fursado badan oo uu goolal ku dhalin karayey.

Markii ay Real Madrid laba sannadood ka hor ka bixiyey Vinicius Jr £38 milyan oo Gini, dhamaan dadku way la yaabanaayeen sababtoo ah cidina hore ugumay arag fagaareyaasha, waxaanay xilligaas da’diisu ahayd 16 sannadood oo kaliya.

Bilowgii xili ciyaareedka waxa loo diray kooxda da’yarta oo uu ka tirsanaa, hase yeeshee markiiba waxa muuqatay inuu ka tayo sarreeyo oo ay tahay inuu kooxda waaweynka u ciyaaro.

Markii uu shaqada tababarenimada qabsaday Santiago Solari, waxa markiiba uu soo dallacsiiyey Vinicius oo uu kusoo bilaabay ciyaarihiisa, waxaanay u noqotay tijaabo guuleysatay, isaga oo mar kaliya isku beddelay halyeyga iyo xiddiga kooxda ee ay naadiyadu kasii baqdaan.

81 daqiiqadood oo uu ciyaartii xalay ku jiray garoonka, waxa uu dhibaato badan u geystay  difaaca Barcelona oo ku dawakhay sidii ay u xakamayn lahaayeen, waxaanu marar badan dhulka seexiyey xiddigo waaweyn sida Samedo, Pique iyo Busquets, waxaanu qaybtii horeba dhalin karayey afar gool oo khibraddiisa yar iyo nasiibkaba loo nisbayn karo inuu ku lumiyey.

Tababare Ernesto Valverde ayaa ciyaarta kusoo talo-galay inay culays saaraan Real Madrid  oo kubadda kasoomiyaan, hase yeeshee difaacii abuuri-jiray kubbad haynta ee khadka dambe ayaa dhamaantood ku mashquulay sidii ay u qaban lahaayeen Vinicius Jr, gaar ahaan waxa isaga si gooni ah u ilaalinayey Nelson Samedo oo dhinaca midig ka ciyaarayey iyo Pique oo caawinayey, waxaanay taasi fursad siisay Benzema oo isaguna shaqo fiican ka qabanayey afka hore halka Kroos, Modric iyo Casemiro ay wax-qabad wanaagsan ka sameeyeen khadka dhexe.

Tababare Valverde ayaa dhamaadkii ciyaarta qirtay in aanay kooxdiisu si fiican u shaqaynin, balse warbaahinta Spain ayaa intooda badan ay qoreen in Vinicus Jr uu burburiyey qorshihii tababaraha ee kulanka inkasta oo uu guusha la hoyday.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaal googoos ah oo soo koobaya bandhiggii da’yarka reer Brazil ee kulankii xalay ee El Clasico: