DAGAAL: Real Madrid Iyo Barcelona Oo Dagaalkoodii Gadhay Waddanka China Iyo Laacib Da’ Yar Oo Madaxa Isku Geliyey

Barcelona iyo Real Madrid ayaa foodda isku daraya dagaal ay ugu kala dheeranaynayaan saxeexa laacib u dhashay waddanka Japan oo lagu magacaabo Takefusa Kubo.

Laacibkan oo magaciisa loo soo gaabiyo Take ayaa ka mid ahaa ciyaaryahannadii Barcelona laga xayiray markii ay FIFA baadhitaanka ku samaysay, laakiin bisha June ee foodda inagu soo haysa ayay da’diisu noqon doontaa 18 jir, waxaanu isku diyaarinayaa inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub.

Kooxdiisa hadda ee FC Tokyo ayaa isku diyaarinaysa sagootintiisa iyo aqbalka dalabyada u imanaya oo ay midka qanciya ka dhex dooran doonto, waxaana mar horeba si dhow xaaladda ciyaartoygan ula socotay Barcelona oo isku dayday inay heshiis la gasho laakiin da’diisa yarayd darteed ay FIFA ugu diidday.

Real Madrid iyo PSG ayaa iyaguna soo galay hirdanka iyo kala jiidashada Take, waxaanay xidhiidho la sameeyeen wakiilkiisa, laakiin da’yarkan ayaa la rumaysan yahay inuu xiisaynayo inuu ku biiro Barcelona oo uu mar hore heshiis la gaadhay ka hor xayiraddii FIFA.

Iyadoo ay da’diisu yar tahay ayuu kasbaday indhaha dad badan oo suuqa u qaabilsan kooxaha waaweyn, laakiin hadda waa ciyaartoy la yaqaano oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican filkiisa.