FADEEXAD CUSUB: Sariirta Ayuu Dib Ugu Tuuray, Waanu Kufsaday… Waxaan Hayaa Boqollaal Farriimood Iyo Codad – CRISTIANO RONALDO Oo Kiis Kale Kusoo Furtay Iyo Gabadh Kale Oo Caddaymo U Haysa Dhaqan-xumadiisa

5- In Heshiiskii 2010kii Uu Ronaldo La Galay Katheryn Mayorga  Aanu Cadayn U Ahayn In Uu Kufsi U Gaystay.

Ugu danbayn qodobka shanaad ee sida buuxda looga fahmay war saxaafadeedkii qareenka Ronaldo ee Peter Christiansen ayaa sheegaya in heshiiska sanadkii 2010 kii dhex maray Ronaldo iyo gabadha hadda soo eedaysay ee Katheryn Mayorga in aanu micnihiisu ahayn in uu qirtay kiiska kusi ee loo haysto.

Qareenka Ronaldo oo soo sheegay in wax walba u dhaceen si lays ogol yahay ayaa qirtay in heshiiska dhex maray la talayaashii Ronaldo iyo dadkii matalayay Katheryn Mayorga in aanu qirayn in Ronaldo uu kufsi gaystay balse uu ahaa heshiis la doonayay in murankii markaas jiray meesha looga saaro.

Cristiano Ronaldo ayaa taageero buuxda ka helayay xubnaha qoyskiisa iyo la talyaashiisa laakiin waxa uu culays badan ka dareemayaa kiiska kufsiga ah ee sida wayn aduunka ugu baahay wuxuuna hadda ku jiraa xaalad aan fiicnayn.

Arintan ayaa xataa keentay in Ronaldo aanu xulka qarankiisa Portugal u ciyaarin tan iyo markii ay soo ifbaxday eedaynta loo haysto ee ah in uu kufsi sameeyay.