GO’AAN: Alexis Sanchez Oo Asxaabtiisa Ku Wargeliyey Inuu Ka Tegayo Manchester United

Xiddiga reer Chile ee Alexis Sanchez ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda kubadda cagta Manchester United oo tababare Jose Mourinho uu ka siin waayey boos joogto ah.

Xidhiidhka u dhexeeya Sanchez iyo Mourinho ayaa sii xumaaday markii uu xattaa kooxda kaydka ah lagu soo diri waayey, taasina waxay keentay in laacibkan uu go’aan ku gaadho inuu sida ugu dhaqsaha badan uga dhaqaaqo Manchester United oo ay u caddaatay in aanay waxba u oollin.

29 jirkan oo toddobaadkii mushahar u qaata lacag dhan £500,000, ayaa dalabyo ka haysta kooxo ay ku jirto PSG, waxaana uu shandaddiisa ka qaadan karaa Old Trafford bisha January ee foodda inagu soo haysa, bixiddiisuna waxay noqon kartaa khaladkii ugu weynaa ee koox horyaalka Premier League ah ay samayso waqti xili ciyaareedku kala badh marayo, isla markaana naadiguba la dhibaataysan yahay guulo la’aan.

Sida ay sheegayaan wararka ay qorayaan warbaahinta Ingiriisku, Sanchez ayaa u sheegay ciyaaryahannada kooxdiisa ee ay aadka iskugu xidhan yihiin inuu qaatay go’aan ah inuu ka tago Manchester United marka ugu horreysa ee suuqa iibku uu furmo, taas oo ka dhigan inuu doonayo inuu baxo bisha January.

Si kastaba ha ahaatee, warkan ayaa ku soo beegamaya xili Manchester United ay la dhibaatoonayso guul la’aan, isla markaana ay xattaa ku adag tahay inay soo hawaysato afarta kooxood ee ugu sarreeya.