Halyeygii Chelsea Ee Pat Nevin Oo Kula Taliyey Tababare Sarri Inuu Ka Faa’iidaysto Cadhada Alvaro Morata

Halyeygii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea,  Pat Nevin ayaa ku baaqay in laga faa’iidaysto cadhada weeraryahanka kooxdaas ee Alvaro Morata oo dib u helay qaab-ciyaareedkiisa kulamadii u dambeeyey.

Pat Nevin oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa Chelsea kasoo iibsatay Real Madrid bishii July 2017 iyadoo kasoo bixisay £58 milyan, hase yeeshee xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ayaa uu dhaliyey 12 gool oo kaliya, iyadoo uu tababarihii hore ka doorbiday Giroud, halka kulamo badan oo kalena uu dhaawac uga maqnaa.

Morata ayaa muujiyey ciyaar wanaagsan intii uu tababare Maurizio Sarri joogay Chelsea, waxaanu dhaliyey saddex gool oo kooxaha MOL Vidi, Southampton iyo Burnley uu shabaqooda taabtay, kana caawiyey naadigiisa inay sii wadaan guul-darro la’aanta xidhiidhka ah ee xili ciyaareedkan.

Pat Nevin oo hore ugu ciyaari jiray Blues oo qiimayn ku sameeyey isbeddelka ciyaareed ee Morata, ayaa waxa uu usoo jeediyey Sarri inuu ka dhigto safkiisa koowaad oo laga caawiyo si uu u helo qaab-ciyaareedkiisii hore, waxaanu yidhi: “Morata waa weeraryahan dhexe oo farsamo badan, laakiin si wacan ugama ciyaarin weerarka, waxaana jira waxyaabo aad u baahan tahay si aad halka ugu sarraysa u gaadhid. Waxaad u baahan tahay goolal, waxa kale oo aad u baahan tahay inaad dagaallantid, inaad jidh ahaan awood badnaato. Morata waa la tuuraa, kubaddana si fiican uma qabto, laakiin kulankii Burnley si kale ayuu u muuqday. Wuxuu halgamayey, wuxuu dagaallamayay taageereyaasha Burnley na way ku ooriyeen, si wanaagsanna wuu uga jawaabay.” Sidaas ayuu yidhi Nevin  oo u warramay LoveSports Radio.

Halyeygan hore waxa uu kula taliyey Morata inuu si adag u shaqeeyo ka hor inta aanu tababarihiisa la hadal, kana faa’iidaysto fursadaha la siiyo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*