HORDHAC: Liverpool Vs Watford, Man City Vs West Ham, Crystal Palace Vs Man United Iyo Kulamada Saamaynta Badan Yeelanaya Oo Isku Saacad La Ciyaarayo.

Horyaalka Premier league waxaa caawa hal saacad la wada ciyaari doonaa dhamaan kulamada ay lixda kooxood ee waa wayni ciyaari doonaan waxaana halkii ugu saraysay ay xamaasadu gaadhi doontaa marka ay kooxaha kaalinta kowaad iyo labaad isku haysta ee Liverpool iyo Man City ay marti galin doonaan kooxaha Watford iyo West Ham.

Manchester United oo iyaduna u dagaalamaysa kaalinta afraad ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace laakiin waxaa sidoo kale jira kulamo kale oo muhiim ah oo saamayn buuxda ku yeelan kara kaalmaha Champions League loogu soo baxayo.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa xogta iyo wararkii ugu danbeeyay ee kulamada Liverpool-Warford, Man City-West Ham United iyo Crystal Palace- Man United iyada oo qorma kale aad kaga bogan doontaa kulamada Chelsea-Tottenham iyo Arsenal-Bournemouth.

Kulanka Man City-West Ham

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawanaysa kooxda uu macalinkoodii hore ee Manuel Pellegrini hogaaminaho ee West Ham United, waxayna kooxda Guardiola ciyaaraysaa kulankii Premier League ee ugu horeeyay kadib markii ay isku soo hubsadeen difaacashada koobka EFL Cupka oo ay rekoodhayaal kaga qaadeen Chelsea.

Manchester City ayaa isku dayi doonta in ay culayska ku sii hayso kooxda kaalinta kowaad ku jirta ee Liverpool, waxayna Sky Blues haysataa fursad ay garoonkeeda ugu ciyaarayso oo ay saddexda dhicbood kaga heli karto West Ham.

Wararka Man City vs West Ham

Manchester City waxaa dhaawac kaga maqnaan doona Fernandinho iyo Aymeric Laporte oo dhaawacyo looga saaray kulankii finalkii EFL Cupka  wuxuuna Guardiola ku qasbanaan doonaa in uu shaxdiisa isbadalo ku sameeyo maadaama oo ay 120 daqiiqo ku soo ciyaareen kulankii Wembley Stadium.

Ilkay Gundogan ayaa la filayaa in uu badali doono Fernandinho halka Vincent Kompany  uu buuxin karo booska uu Laporte ka maqnaan doono waxaana shaki la galinayaa in John Stones uu ka soo kabsan karo dhaawac gumaarka ka soo gaadhay.

Waxa kale oo uu taam ahaanshahooda shaki ku jiraa xidigaha kala ah Gabriel Jesus, Benjamin Mendy iyo Fabian Delph waxaana suurtogal noqon karta in Guardiola uu markale soo safi doono Sergio Aguero, Kevin De Bruyne iyo David Silva oo dhamaantood ciyaaray kulankii EFL Cupka.

Dhinaca West Ham waxaa ugu danbayn u soo laabtay Manuel Lanzini oo ciyaaray kulanki Fulham kadib markii uu muddo dheer garoomada ka maqnaa laakiin Pellegrini ayaan wali halis ku galin doonin uu shaxdiisa ku soo bilawdo.

Waxa kale oo uu in uu soo laabto ku dhaw Fabian Balbuena laakiin waxaa West Ham ka sii maqnaan doona xidigaha kala ah Winston Reid,  Andriy Yarmolenko iyo Jack Wilshere.

Shaxda Macquulka Ah Ee Man City Vs West Ham United:

Man City: Ederson; Danilo, Otamendi, Kompany, Zinchenko; De Bruyne, Gundogan, D Silva; Mahrez, Aguero, Sane

West Ham :Fabianski; Zabaleta, Diop, Ogbonna, Cresswell; Antonio, Noble, Rice, Snodgrass, Anderson; Arnautovic

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Riix 2 aad si aad u akhrisato Crystal Palace vs Man United