HORDHAC: Real Madrid vs Barcelona – Shaxda Macquulka Ah, Rikoodhka Kulamadoodii Hore, Kooxda La Saadaalinayo Inay Tagto Finalka Copa del Rey Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Real Madrid ayaa garoonkeeda Bernabeu kusoo dhoweyn doonta Barcelona oo ay isku haleelayaan lugta labaad ee semi-finalka tartanka Copa del Rey.

Labada kooxood ayaa barbarro 1-1 ah kusoo dhamaystay ciyaartii hore ee ka dhacday garoonka Camp Nou, waxaana goolka ku hormartay Real Madrid oo daqiiqaddii 6aad ee Lucas Vazquez u dhaliyey ka hor intii aanu Malcom noqonin halyeyga Barcelona oo aanu goolka barbarraha u keenin.

Labadan kooxood midkooda soo gudba waxay finalka la ciyaari doontaa Real Betis ama Valencia, oo iyaguna habeenka xiga soo kala bixi doona.

REAL MADRID: 

Los Blancos oo sannadihii ugu dambeeyey guulo badan ka gaadhay tartamada Yurub ayaa ku liidatay koobabka gudaha dalka Spain, waxaana ugu dambaysay inay gacanta ku dhigto Copa del Rey sannadkii 2014, waxaana markii ugu xigtay ay ahayd sannadkii 1993-kii.

Kooxda tababare Santiago Solari ayaa usbuucan kusoo laabatay jidka guusha markii ay AAxaddii 2-1 kaga adkaatay Levante, waxaase ay dhibaato ka haysataa horyaalka LaLiga oo ay sagaal dhibcood ka dambayso Barcelona oo hoggaanka haysa, waxaanay u muuqataa inay ku adag tahay inay soo qabato, laakiin dabcan, waxay ku jiraan tartanka Champions League oo ula mid noqday tartamada gudaha oo kale, waxaanay lugtii hore ee wareegga 16-ka kaga soo adkaatay Ajax 2-1.

Los Blancos saddex isbaaro ayay kasoo gudubtay ka hor intii aanay imanin wareegga semi-finalka ee tartanka Copa del Rey, waxaanay soo jiidhay Melilla, Leganes iyo Girona, iyadoo toddoba gool kasoo dhaliyey Girona labadii is arag.

Saddexda ciyaarood ee ay ugu horreyso midda ay caawa wada ciyaari doonaan Barcelona, waa kuwa go’aaminaya mustaqbalka naadiga boqortooyada Spain, waxaana ay Axadda toddobaadka soo socda margelin doontaa Barcelona kulankooda labaad ee horyaalka LaLiga, waxaanay u baahan tahay guul si ay lix dhibcood uga dhigto farqiga dhibcaha hoggaanka lagaga hayo, haddiise laga adkaado, waxa laga horreyn doonaa 12 dhibcood xilli horyaalkana ay ka dhiman tahay 12 kulan oo kaliya. Markay Axadda kala dhamaadaan Barcelona, waxay Salaasada qaabbili doontaa Ajax oo ay u baahan tahay inay ka adkaato amaba ugu yaraan barbar-dhac ka keento si ay wareegga siddeed dhamaadka Champions League u tegi karaan.

Marka saansaanta Real Madrid si guud loo eego, haddii ay kaalinta labaad ka gasho horyaalka LaLiga, isla markaana ay ku guuleysato Copa del Rey, sidoo kalena ay timaaddo semi-finalka Champions League, waxa loo arki doonaa koox guuleysatay, sababtuna waa dedaalkii ay soo gashay sannadihii u dambeeyey oo markan adkaynaya inay guul ka keento tartanka Yurub.

Markii iskugu dambaysay ee Barcelona ay ku kulmaan garoonka Santiago Bernabeu, waxay ahayd December 2017, waxaana 3-0 ku adkaatay Barcelona, waana sababta ay Real Madrid uga sii nixi doonto kooxda reer Catalonia oo sannadihii u dambeeyey libinta kulamada El Clasico iska lahayd.

BARCELONA

 

Kooxda kubadda cagta FC Barcelona, tartanka Copa del Rey wuxuu liiska hammigeeda kaga jiraa kaalinta saddexaad, waxaana uga horreeya Champions League oo bartilmaameedka koowaad u ah iyo LaLiga oo labaad ah, laakiin mar haddii ay iska yimaaddaan Real Madrid, marnaba isma dhigan doonto, waxaanay wax walba u samayn doontaaa sidii ay rajo la’aan uga dhigi lahayd Los Blancos.

Barcelona waxay doonaysaa in markii 30aad ay ku guuleysato tartanka Copa del Rey oo afartii sannadood ee u dambeeyeyna ay si xidhiidh ah ugu guuleysatay.

Halka Real Madridd ay guulaha kasoo hoynaysay Champions League, Barcelona waxay kali ku ahayd tartamada gudaha, markana waxay uga soo gudubtay koobka boqorka saddex jaranjaro oo ay soo martay ka hor intii aanay halkan soo gaadhin, waxaanay kasoo dul-tallaabsatay Cultural Leonesa, Levante iyo Sevilla.

Tababare Ernesto Valverde halka walaac ee haysta ka hor ciyaartan waxay tahay in labadii ciyaarood ee martida ay u noqotay Levante iyo Sevilla laga soo adkaaday balse ay ciyaarihii garoonkeeda kaga aarsatay, markanse way ka duwan tahay, sababtoo ah, waxay garoonkeeda barbar-dhac kula gashay Real Madrid oo ay markana u tegayso, mana jirto meel ay kaga soo aarsato haddii laga adkaado.

Kulankeedii ugu dambeeyey ee Sabtidii waxay Barcelona 4-2 ku karbaashtay Sevilla, waxaana mahadda ugu weyn ee guushaas iska lahaa Lionel Messi oo saddexley u dhaliyey iyo Suarez oo ka baxay abaartii goolal la’aanta oo midka afraad dhaliyey, waxaana uga sii horreysay barbar-dhac goolal la’aan ah oo ay la galeen Lyon oo ay isku haleeleen wareegga 16-ka ee tartanka Champions League.

Wiilasha tababare Valverde kaliya laba ciyaarood ayay guul gaadheen lixdii kulan ee ugu dambeeyey, waana arrin walaaceeda leh, iyadoo kaliya Lionel Messi uu yahay laacibka badbaadiya kulan kasta, halka Philippe Coutinho uu ku dhibaataysan yahay la-qabsiga naadiga, sidoo kalena Luis Suarez uu hoos u dhacay.

Marka laga yimaaddo kulankii Spanish Super Cup ee sannadkii hore, Barcelona guul-darro kalama soo laabanin garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu tan iyo October 2014, waxaanay ogtahay in kualnkan ay u baahan tahay guul amaba ugu yaraan barbaro ka badan 1-1.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Real Madrid vs Barcelona

Tartanka: Copa del Rey – Is-aragga labaad ee semi-finalka.

Waqtiga: 11:00PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Santiago Bernabeu, Madrid

Garsooraha: Jose Sanchez

Wararkii ugu dambeeyey ee labada Kooxood

Real Madrid waxa u soo laabtay kabtankeeda Sergio Ramos oo kulankii Axaddii ee Levante ku seegay ganaax, waxaanay khadka dambe wada adkayn doonaan Varane, Dani Carvajal iyo baasha bidix oo uu tababare Solari go’aan ka gaadhi doono Marcelo iyo Regullon midka uu ciyaarsiin doono.
Isco oo dhaawac ahaa dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey ayaa soo laabtay, laakiin lama filayo inuu kusoo baxo xulashada koowaad ee tababaraha, halka Gareth loo badinayo in mar kale uu tababare Solari ka doorbido Vinicius Junior iyo Lucas Vazquez.
Marcos Llorente ayaa weli dhaawac muruqa ah kaga maqan Real Madrid, waxaase diyaar ah oo goolka qaban doono goolhayaha dibedda la dhigay ee Keylor Navas.

Dhinaca Barcelona, waxa dhaawac ka ah Rafinha, Jasper Cillessen, Arthur iyo Thomas Vermaelen oo ay u badan tahay inaanu midkoodna ciyaartan fursad u helin inkasta oo kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Arthur uu tababarka kusoo laabtay.

Waxa goolka kusoo bilaaban doona Marc-Andre ter Stegen, waxaana difaaca wada adkayn doona Clement Lenglet iyo Gerard Pique, iyadoo uu sidoo kalena taam yahay Samuel Umtiti oo uu tababaruhu soo xulan karo. Difaaca dhinacyada ayey kusoo bilaaban doonaan Jordi Alba iyo Sergio Roberto, iyadoo ay suurtogal tahay in ciyaarta lagu soo bilaabo Nelson Samedo.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Reguilon; Casemiro, Kroos, Modric; Vinicius, Benzema, Lucas

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Alba; Rakitic, Vidal, Busquets; Dembele, L Suarez, Messi.

 

Rikoodhka kulamadii hore u dhax maray labada kooxood:

Real Madrid iyo Barcelona ayaa markii ugu horreysay ku kulmaya tartanka Copa del Rey tan iyo xili ciyaareedkii 2013-14, markaas oo Real Madrid ay ku adkaatay 2-1, isla markaana uu Gareth Bale dhaliyey gool taariikhda u galay. Waxa intaas raaca in koobkaasi ahaa kii 19aad ee Real Madrid ay ku guuleysato ee tartanka Copa del Rey ah.

Marka caawa ay iska hor yimaaddaan, waxay noqon doontaa markii 240aad ee kulanka El Clasico ee Barcelona iyo Real Madrid ay daawadeyaashu nasiib u yeeshaan inay fiirsadaan. 95 ka mid ah ciyaarahaas hore, waxa soo guuleysatay Real Madrid, halka Barcelona ay haysato 93 guulood, 51-ka ciyaarood ee kalena barbar=dhac ayay galeen.

Kulankii iskugu dambeeyey ee labada kooxood ee bishii December, waxa 5-1 ku adkaatay Barcelona, halka safarkii ugu dambeeyey ee Barcelona ay ku tagto Bernabeu ay kala soo laabatay guul 3-0 ah sannadkii 2017.

Saadaasha Kulanka

Khubarada ciyaaraha ee saadaasha ka bixiya ka hor kulamada toddobaad kasta, waxay intooda badan nasiibka fiican siiyeen Barcelona oo barbarro ay ka heli doonto ciyaartan ugu gudbi doonta finalka.

Khubradu waxay intooda badan isku waafaqeen in ciyaartu ku dhamaan doonto 2-2, sidaana ay Barcelona ku bixi doonto, maadaama lugtii hore ee Camp Nou ay kusoo dhamaatay 1-1.