HORDHAC: Sevilla vs Barcelona- Blaugrana Oo Uu U Bilaamayo Imtixaankii Ugu Waynaa Iyo Saamaynta Uu La Liga Ku Yeelan Karo Kulanka Garoonka Sánchez Pizjuán.

Barcelona ayaa kooxda Sevilla marti ugu noqon doonta garoonka dhibta badan ee Ramón Sánchez Pizjuán halkaas oo ay kooxda Valverde ka bilaaban doonto maalmo aad u adag oo ay ciyaari doonto kulamo lagu tilmaami karo kuwa xili ciyaareedkeeda maxaliga ah qeexi kara.

Marka ay Barcelona la ciyaarto kooxda Sevilla waxay afar maalmood gudahood Santiago Bernabeu ku ciyaari doontaa laba kulan oo La Liga iyo Copa Del Rey iskugu jira waana saddex kulan oo ay Barcelona si xidhiidh ah ugu ciyaari doonto heerka ugu sareeya.

Sevilla oo bilawgii xili ciyaareedkan hogaanka soo haysay ayaa hadda kaalinta afraad ugu jirta 37 dhibcood halka Barcelona ay kaalinta kowaad ugu jirto 54 dhibcood laakiin kooxda Valverde ayaa haysata fursada ay ku sii dheeraysan karto hogaanka La Liga maadaama oo ayna maanta ciyaari doonin kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid.

Atletico Madrid lafteeda ayaa imtixaan adag mari doonta waxayna barri soo dhawayn doontaa kooxda Villarreal halka Real Madrid ay isla barri u safri doonto kooxda Levante balse Barca ayaa kulanka Sevilla haysata fursad ay kooxaha reer Madrid culays ugu sii abuuri karto.

Lionel Messi ayaa ka hor imanaya kooxda uu ugu jecel yahay in uu goolasha ka dhaliyo ee Sevilla laakiin kooxda martida loo yahay ayaa wali xusuusan guuldaradii musiibada ahayd ee ay Camp Nou kala soo laabteen ee Copa Del Rey looga soo reebay markaas oo ay Barcelona lix gool ka dhalisay isla markaana ay dhinaca kale u dhigtay guuldaradii ay lugtii hore Sevilla kala soo laabteen.

Haddii ay Barcelona saddexda dhibcood ka soo hesho Sevilla, waxay Santiago Bernabeu iskeeni doonaan iyaga oo xataa haddii ay guuldaraystaan aan walwal badan ka qabin kooxaha reer Madrid ee Atletico Madrid iyo Real Madrid, balse haddii ay kooxda Valverde guuldaro la soo kulanto waxay halis galin karaan dhibcaha ay hadda taxadar ahaanta ugu hayaan hogaanka horyaalka La Liga.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Ciyaartoyda Barcelona ka maqan ama uu shakigu ku jiro:  Arthur, Thomas Vermaelen, Jasper Cillessen, Rafinha, Kevin-Prince Boateng, Jean-Clair Todibo, Sergi Samper

Ciyaartoyda Sevilla ka maqan ama uu shakigu ku jiro: Nolito, Sergio Escudero , Daniel Carriço, Jesús Navas, Maxime Gonalons, Joris Gnagnon.

Xogta Kulanka:

Tartanka: Kulanka 25 aad ee La Liga

Kulanka: Sevilla Vs Barcelona

Garoonka: Ramón Sánchez Pizjuán

Waqtiga: 6:15 Maqribnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Antonio Mateu Lahoz

Shaxda Macquulka Ah Ee Sevilla Vs Barcelona:

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Murillo, Umtiti, Alba; Aleñá, Rakitic, Vidal; Malcom, Suárez, Coutinho

Sevilla (3-5-2): Vaclik; Mercado, Kjaer, Gómez; Navas, Sarabia, Banega, Vázquez, Arana; André Silva, Ben Yedder