Hordhacyo: Barcelona vs Inter Milan, PSG vs Napoli, Liverpool vs Red Star Belgrade – Wararkii U Dambeeyey, Shaxda Macquulka Ah Iyo Dhaawaca Messi

Kooxda kubadda cagta Barcellona ayaa caawa ku martigelinaysa garoonkeeda ku martigelinaysa naadiga reer Talyaani ee Inter Milan oo kula hirdamaysa hoggaaminta Group B ee tartanka Champions League.

Barcelona oo uu dhaawac kaga maqan yahay Lionel Messi ayaa waxa uu tababare Valverde maalmihii ugu dambeeyey ka shaqaynayey dejinta qorsheyaashii uu ku buuxin lahaa booska kabtankiisa maqan, waxaase diyaar u ah laacibiinta intooda kale.

Xogta Ciyaarta

Kulanka: Barcelona vs Inter Milan

Garoonka: Camp Nou, Barcelona, Catalonia, Spain

Waqtiga: 10:00 PM

Garsooraha: Ovidiu Haţegan (ROU).

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Barcelona waxa ciyaartan ka maqan xiddiga muddada dheer guusha gacanta usoo gelin jiray ee Lionel Messi, Thomas Vermaelen, Denis Suarez, Carles Alena iyo Sergi Samper, waana xaaladdii ugu xumayd ee dhaaawacyo ah ee ay sannadahan dambe gasho, hase yeeshee Inter Milan ayaa la xaqiijiyey in laacibka khadka dhexe ee Radja Nainggolan uu maqnaan doono, hase yeeshee waxa uu shaki ku jiraa oo jugo qaba Marcelo Brozovic, Ivan Perisic.

Barcelona oo ciyaarteedii toddobaadka ee horyaalka LaLiga six un u xasuuqday Sevilla ayaa waxa ruxay dhaawaca Lionel Messi oo ka jabay gacanta midig, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo saddex usbuuc ah oo markii ugu horreysay sannado badan uu ka maqnaan doono kulanka Real Madrid ee El Clasico oo Axadda soo socota ka qabsoomi doona Camp Nou.

Inter Milan ayaa iyaduna waxay toddobaadkan kasoo dul tallaabsatay AC Milan oo waqtigii dhimashada uu Mauro Icardi ka dhaliyey gool guusha gacanta u geliyey kooxdiisa.

Barcelona iyo Inter Milan waxay wada jir u hoggaaminayaan Group B oo ay haystaan min lix dhibcood, hase yeeshee labadooda ciyaarood ee xidhiidhka ah ee midka koowaad caawa qabsoomi doono ayaa go’aamin doona midka kaalinta koowaad kaga soo bixi doona inkasta oo ay weli u hadhsanaanayaan min laba ciyaarood oo ay ku jirto kulanka Tottenham.

Shaxda suurtogalka ah ee Labada Kooxood

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Dembélé, Suárez, Coutinho

Inter (4-2-3-1): Handanovič; Vrsaljko, De Vrij, Škriniar, Asamoah; Vecino, Brozović; Candreva, Valero, Keita; Icardi

FOOL-KA-FOOL

Ka sokow taariikhda weyn ee ay leeyihiin labada kooxoodba, Barca iyo Inter waxay hore ugu kulmeen tartankan lix ciyaarood 15-kii sannadood ee ugu dambeeyey oo kasoo bilaabmaya xili ciyaareedkii 2002-03, waxaana afar ka mid ah dhibcaha qaadatay Barcelona balse Inter Milan ayey u suurtogashay in xili ciyaareedkii 2009-10 ay ku guuleysato Champions League iyadoo semi-finalka kusii reebtay Barcelona.

Saddexdii kulan ee ka dhacay garoonkeeda Barcelona way wada guuleysatay waxaanay dhalisay lix gool iyadoo aanay Inter Milan shabaqeeda la taabanin.

Liverpool vs Red Star Belgrade

Kaddib Guul-darradii Napoli, kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa caawa martigelinaysa naadiga Red Star Belgrade oo hibbane usoo noqotay PSG oo soo xasuuqday kulankeedii u dambeeyey ee tartanka Champions.

Tababare Klopp ayaa dib u helay Mohamed Salah iyo Mane, waxaase dhaawac u jiifaya Naby Keita iyo Henderson oo aan fursad u helaynin ciyaartan, hase yeeshee tababare Klopp ayaa sheegay in laacibka reer Brazil ee Fabinho uu ciyaartan muujin doono sababtii looga bixiyey lacagta badan.

Xogta ciyaarta:

Kulanka: Liverpool vs Red Star Belgrade

Garoonka: Anfield

Waqitga: 10:00 PM

Garsooraha: Daniel Siebert (Germany).

Labadan kooxood hore waxay u kulmeen laba jeer oo kaliya taariikhdooda, kulankooda koowaadna waxa uu dhacay waqti laga joogo 45 sannadood, markaas oo Red Star Belgrade ay 2-1 celclis ahaan labadii lugood guushu ku raacday.

Kulankii labaad ee ay iskaga hor yimaaddeen waxa uu qabsoomay 18 sannadood ka hor.

Shaxda suurtogalka ah ee labada kooxood:

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Milner, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Shaqiri

Red Star possible: Borjan; Sumaila, Degenek, Babic, Rodic; Ebecilio, Jovicic, Ben, Krsticic, Marin; Boakye

PSG vs Napoli

Kooxda horyaalka Waddanka Faransiiska ee PSG ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa Napoli oo hoggaanka u haysa Group C oo ay ku weheliyaan Liverpool iyo Red Star Belgrade.

PSG oo ay u caafimaad qabaan xiddigaha waaweyn ee Kylian Mbappe, Neymar iyo Cavani ayaa ciyaartan si adag iskugu diyaarisay si ay ugu soo laabato saaxadda hore ee kooxaha loo saadaaliyo ku guuleysiga Champions League iyo inay kasoo gudubto Group-ka dhimashada oo ay hoggaanka haysato Napoli oo afar dhibcood leh, soona garaacday Liverpool.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: PSG vs Napoli

Garoonka: Parc des Princes

Waqiga: 10: 00 pm

Garsooraha: Felix Zwayer (Germany).

Neymar-Mbappe-Cavani

Saddexdan dilaa ee sida sahlan u burburiya difaaca ayaa ka hor tegaya Napoli oo tababaraha khabiirka ah ee Carlo Ancelotti uu hoggaaminayo, waxaanay u ciyaari doonaan sidii ay goolal badan uga heli lahaayeen garoonkooda, si ay sare ugu soo qaadaan dhibcaha saddexda ah ee ay ka heleen ciyaartii Red Star Belgrade.

PSG waxa kulankii koowaad ka badisay Liverpool, hase yeeshee Red Star ayay kasoo dhaliyeen goolal badan oo sababay in baadhitaan lagu sameeyo, waxaase niyad fiican haysata Napoli oo 1-0 kaga soo adkaatay Liverpool.

Haddii ay Napoli soo badiso, waxay yeelan doontaa 7 dhibcood oo ay hoggaanka Group-ka dhimashada kusii haysanayso, taasina waxay xaaladda ku xumayn doontaa PSG oo haysata saddex dhibcood oo kaliya.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*