HORDHACYO: Chelsea Vs Tottenham, Arsenal Vs Bournemouth-Dagaalka Kaalinta Afraad Oo Heerkii Ugu Adkaa Galay Iyo Blues Oo Imtixaankii Ugu Waynaa Maraysa.

Caawa waxay noqon doontaa habeen muhiimad wayn u leh kooxaha kaalinta afraad ee Premier league ku dagaalamaya maadaama oo ay isla hal saac wada ciyaari doonaan dhamaan kooxaha ku tartamaya in ay kaalinta afraad ku soo baxaan ee Chelsea, Arsenal iyo Man United.

Arsenal ayaa kaalinta afraad sii gashay laakiin waxay imtixaan adag ku mari doonaan kulanka Emirates Stadium ee ay soo dhawaynayaan kooxda aan la saadaalin karin ee Bournemouth laakiin kooxda Maurizio Sarri oo 120 daqiiqo oo guuldaro ah ku soo ciyaartay Wembley Stadium ayay nasiib xumo ku tahay in ay Tottenham la ciyaarayaan.

Kulanka Arsenal Vs Bournemouth

Arsenal ayaa bilaabanaysa kulamo qeexi kara xili ciyaareedka kooxdeeda waxayna marka hore la ciyaari doontaa Bournemouth oo kooxaha waa wayn dhibaato ku abuurta halka ay sidoo kale dhawaan la ciyaari doonaan Man United oo ay kaalinta afraad isku haystaan waxayna sidoo kale laba kulan la ciyaari doonaan kooxda Rennes  ee tartanka Europa League waana sababta uu Emery u galay waqtigii ugu muhiimsanaa ee xili ciyaareedka.

Wararka Kooxaha Arsenal iyo Bournemouth:

Labada tababare waxaa suurtogal ah in ay isbadalo samayn karaan wuxuuna Emery hal il ku sii ahayaa kulanka North London Derby waxaana la filayaa in uu kaydka dhigi doono Sokratis Papastathopoulos iyo Aaron Ramsey , waxaana suurtogal ah in Emery uu nasin karo Granit Xhaka.

Mesut Ozil ayaa shaxda Arsenal ku soo laaban kara hala Denis Suarez uu rajaynayo in kulankiisii ugu horeeyay ee Premier leauge uu shaxda Emery ku soo bilawdo tan iyo markii uu bishii January amaah ugaga soo wareegay Barca.

Unai Emery ayaa la filayaa in uu weerarka ka sii ciyaar siin doono xidiga gool dhalinta ugu badan kooxdiisa u soo sameeyay Aubameyang.

Dhinaca Bournemouth waxaa ganaax kaga maqnaan doona Jefferson Lerma halka Andrew Surman uu shaxda dib ugu soo laaban doono waxaana suurtogal ah in Diego Rico iyo Charlie Daniel ay kulankan ciyaari karaan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Arsenal vs Bournemouth:

Arsenal : Leno; Maitland-Niles, Mustafi, Koscielny, Monreal; Torreira, Guendouzi; Suarez, Ozil, Iwobi; Aubameyang

Bournemouth: Boruc; Clyne, Mepham, Ake, Rico; Ibe, Gosling, Surman, Fraser; King; Mousset

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Riix 2 si aad u akhrisato kulanka Chelsea vs Tottenham