HORDHACYO: Juventus vs Man United, Plzen vs Real Madrid, Man City vs Shakhtar – KUlamada Caawa, Wararkii Ugu Dambeeyey, Shaxaha Macquulka Ah iyo Rikoodhada Yaalla

Kooxaha ku jira tartanka Champions League ee Groupyada afarta ah ee E illaa H ayaa caawa ciyaari doona kulamadoodii afraad, waxaana qaarkood ay si toos ah ugu gudbi karaan wareegga 16-ka haddii ay guulo soo hooyaan ama ay barbar-dhac keenaan balse kuwa kusoo xiga laga qabto.

Kooxda Juventus ayaa garoonkeeda ku martigelinaysa Manchester United oo kulankii hore ee Old Trafford ay kaga soo adkaatay 1-0, laakiin Real Madrid oo dhibaataysan ayaa marti u noqonaysa Plzen oo dirqi ay kaga adkaatay iyagoo jooga Santiago Bernabeu balse waxa iska taxtaxaashaysa Manchesteer City oo Etihad ku martigelinaysa Shakhtar oo kulankoodii hore ay kaga soo adkaatay dalkooda.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa hordhacyada ciyaaraha caawa, wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda ciyaartooyada dhaawaca, ganaaxa iyo kuwa si kale u maqan oo lagu daray shaxda macquulka ah ee ay kusoo bilaaban karaan iyo waliba rikoodhada kooxaha qaarkood.

Juventus vs Manchester United

Ciyaarta ugu weyn ee caawa dhacaysa waxay kooxaha Group H ee Juventus iyo Manchester United ku dhex-mari doontaa magaalada Turin, halkaas oo Paul Pogba uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore, balse Cristiano Ronaldo oo dhinaca 0o dhinaca kale ah ayaa ka hor tegaya naadigiisii hore.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Juventus vs Manchester United

Tartanka: UEFA Champions League

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Allianz stadium

Garsooraha: Ovidiu Hategan (Romania)

Wararkii ugu dambedye

Weeraryahanka Romelu Lukaku ayaa laga saaray liiska ciyaartooyada Manchester United waxaana suurtogal ah inuu seego kulanka kale ee muhiimka ah ee usbuuca dambe ay United la ciyaari doonto Manchester City, kaddib markii dhaawac haleelay uu kaga soo kaban waayey xilli hore.

Marcus Rashford oo Sabtidii Manchester United u dhaiyey goolkii ay ku guuleysteen ayaa dib u heli doona booskiisa oo geli doona kaalinta uu banneeyey Lukaku, waxaana ku wehelin doona shaxda koowaad Ander Herrera oo isbedd ku sameeyey ciyaarta kulankii sabtidii, hase yeeshee waxa aan sinaba u maqnaan karin Anthony Martial oo si joogto ah goolal u dhalinayey afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalkana saxeexay shan gool.

Manchester United waxa kale oo ka maqnaan doona Diogo Dalot, laakiin waxa soo laabtay Antonio Valencia iyo Marouane Fellaini oo tababare Jose Mourinho uu go’aan ka gaadhi doono inuu ciyaarsiiyo iyo in aanu halis gelinin maadaama ay hadda uun soo laabteen.

Dhinaca kooxda martida loo yahay ee Juventus, waxa ciyaartan dhaawac kaga maqnaan doona laacibka reer Brazil ee Douglas Costa, waxaase jugo haleelay kasoo kabtay Blaise Matuidi Oo lagu daray liiska kooxda iyadoo uu wax ku noqday ciyaartii Sabtidii.

Weeraryahanka Mario Mandzukic ayaa ka farxiyey tababare Allegri markii uu taam u noqday ciyaartan, laakiin lama filayo inuu markiiba kusoo baxo shaxda koowaad.

Sami Khedira oo muddo maqnaa ayay u badan tahay in ciyaarta Manchester United ay u noqoto tiisii ugu horreysay ee Champions League marka laga reebo kulankii koowaad, waxaana uu kasoo kabtay dhaawac uu u jiifay waqti aanay kooxdiisu tebin, hase yeeshee, tababaraha ayaa ku dhegsanaan doona shax ku dhisan weerar oo ay iska garab ciyaari doonaan Ronaldo, Dybala iyo Cuadrado.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Juventus: Szczesny; Cancelo, Bonucci, Chiellini, Sandro; Bentancur, Khedira, Pjanic; Cuadrado, Dybala, Ronaldo

Man United: De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Rashford, Sanchez, Martial

Fool-ka-fool

Guul-darradii United kasoo gaadhay ciyartii hore ee Juventus ay ku martigelisay Old Trafford waxay soo afjartay guulo xidhiidh ah oo tiradoodu saddex ahaayeen oo ay Old Lady ka gaadhaysay tan iyo markii ay soo laabashada taariikhiga ah sannadkii 1999 kaga saartay tartanka, laakiin Juventus ayay u ahayd ciyaartii koowaad ee ay Manchester United ka badiyaan tan iyo sannadkii 1997-kii waxaana sannadkaas gool madi ahaa oo guushu ku raacday reer Talyaani dhaliyey Filipp Inzaghi oo xilligaas u ciyaari jiray, waxaana kulankaasi ku dhamaaday 1-0.

Sannadkii 2003, Manchester United ayaa ku adkaatay 3-0 ay goolasha kala dhaliyeen Ryan Giggs oo beddel kusoo galay oo laba saxeexay iyo Ruud van Nistelrooy, waana guusha ugu weyn ee United ka haysato Juventus sannadihii ugu dambeeyey.

Kasii Akhri Bogga 2