HORDHACYO: Juventus vs Man United, Plzen vs Real Madrid, Man City vs Shakhtar – KUlamada Caawa, Wararkii Ugu Dambeeyey, Shaxaha Macquulka Ah iyo Rikoodhada Yaalla

Victoria Plzen vs Real Madrid

Kooxda koobka Champions League difaacanaysa ee Real Madrid ayaa u dagaallamaysa inay hoggaanka u qabato GROUP G oo ay ku wehelinayaan Roma, Plzen iyo CSKA Moscow marka ay caawa marti u noqoto Plzen oo kulankii hore ay 2-1 dirqi ah kaga adkaatay.

Ciyaartan oo ah middii koowaad ee tababaraha cusub ee Los Blancos ee Santiago Solari, ayaa waxa la qiimayn doonaa qaabka cusub ee uu u safo iyo isbeddelka uu ku sameeyo, taas oo dunida oo dhan ay qiimayn meel walba ah ku samayn doonaan.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Victoria Plzen vs Real Madrid

Tartanka: UEFA Champions League

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka:  Doosan Arena Plzen

Garsooraha: Deniz Aytekin (Germany)

Wararkii ugu dambeeyey

Da’yarka reer Brazil ee Vinicius Junior oo Sabtidii u dhaliyey gool kooxdiisa ayaa lagu soo daray liiska ciyaartooyada uu tababare Solari soo xushay, waxaana ku ira Isco oo la filayo inuu safka koowaad kula soo bilowdo Gareth Bale oo dhibban iyo Marco Asensio.

Real Madrid waxa dhaawac kaga maqan dersin ciyaartooyada difaaca ah oo ay ka mid yihiin Raphael Varane, Marcelo, Dani Carvajal iyo Jesus Vallejo, waxaanay taasi keentay in kooxda da’yarta looga yeedho Sergio Reguilon oo midigta difaaca ka ciyaari doona.

Solari ayaa waxa horyaalla imtixaan ah kala doorashada labada goolhaye ee Keylor Navas iyo Thibaut Courtois, kuwaas oo ahaa hal-xidhaale madaxa xanuujiyey macallinkii uu shaqada ka beddelay ee Lopetegui.

Dhinaca kooxda martida loo yahay ee Viktoria Plzen, waxa ka maqnaan doona Michal Krmencik, waxaana booskiisa u sharraxan Tomas Chory ama Jakub Reznicek. Waxa kale oo war wanaagsan ah in Lukas Hejda uu kasoo laabtay dhaawac muruqua ah, sidoo kalena uu tababarkii u dambeeyey sameeyey Jan Kopic.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Viktoria Plzen: Kozacik; Reznik, Hejda, Hubnik, Limbersky; Hrosovsky, Prochazka; Havel, Cermak, Petrzela; Reznicek

Real Madrid: Navas; Odriozola, Nacho, Ramos, Reguilon; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Vinicius.

Fool ka fool

Ciyaartii bishii hore ay Real Madrid iyo Plzen ku kulmeen garoonka Santiago Bernabeu ayaa ahayd markii ugu horreysay taariikhda ee llabada kooxood iskaga hor yimaaddaan tartan caadi ah, waxaana kulankan caawu uu noqday markii ugu horreysay ee Real Madrid ay u safarto waddanka Czech Republic tan iyo November 2001 oo ay kula soo ciyaartay naadiga Sparta Prague, laakiin Plzen ayaa markii ugu dambaysay ee koox reer Spain ah ay kula ciyaarto dalkeeda waxay u ahayd xili ciyaareedkii 2015-16 oo 3-3 ay ku kala baxeen Villarreal oo ay isku haleeleen ciyaar ka tirsanayd Europa League.

Manchester City vs Shakhtar Donetsk

Manchester City ayaa garoonka Etihad ku qaabilaysa Shakhtar oo kulankoodii hore ay kusoo jarjartay Donetsk, guul ay xaqiijistaana waxay u sahlaysaa inay si toos ah ugu baxaan wareegga labaad ee tartanka Champions League.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Manchester City vs Shakhtar Donetsk

Tartanka: UEFA Champions League

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Etihad Stadium, Manchester, United Kingdom

Garsooraha: Viktor Kassai (Hungary).

Wararkii ugu dambeeyey

Tababare Pep Guardiola ayaa ku qasban inuu nasiyo qaar ka mid ah ciyaartooyadiisa udub-dhexaadka ah si ay kulanka Manchester derby ee toddobaadka dambe ugu sii diyaar-garoobaan, waxaana loo badinayaa inuu safka koowaad kusoo laaban doono Gabriel Jesus oo ciyaartoodii u dambaysay la fadhiisiyey.

Danillo iyo Riyad Mahrez ayaa la filayaa inay kasoo muuqan doonaan ciyaarta caawa maadaama ay kaydka ku dhamaysteen ciyaartii Southampton.

Ma jiraan wax dhaawacyo ah oo Manchester City ay ka cabanayso, waxaana soo laabto Ilkay Gundogan oo shan toddobaad dhaawac muruqa ah ku maqnaa iyo No olas Otamendi oo lagu soo daray liiska ciyaartooyada muddo kaddib.

Kooxda martida ah ee Shakhtar, waxa uu tababaraheeda oo lagu magacaabo Fonseca uu go’aan ka gaadhi doonaa inuu shaxdiisa koowaad ka dhigo laacibka reer Brazil ee Taison iyo in kale, maadaama uu kasoo laabtay dhaawac shaki gelinaya inuu diyaar u yahay kulan u adag sida kan City oo kale.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Manchester City: Ederson; Danilo, Stones, Kompany, Zinchenko, Fernandinho, Delph; Mahrez, D.Silva, Sterling; Jesus

Shakhtar Donetsk: Pyatov; Matvyenko, Krivtsov, Rakitskiy, Ismaily; Stepanenko, Maycon; Taison, Kovalenko, Fernando; Moraes.

Fool ka fool

Ciyaarta caawa ayaa noqonaysa markii saddexaad ee Manchester City iyo Shakhtar Donetsk ay ku kulmaan tartan, waxaana laba ka mid ah ciyaarahaas hore soo guuleysatay Manchester City, halka Shakhtar ay hal mar guu u dabbaal-degtay.

Kulankii iskugu dambeeyey, waxa 2-0 ku adkaatay Manchester City.

Ciyaaraha Kale ee caawa dhacaya iyo waqtigooda

Lyon vs Hoffenheim – 11 PM

CSKA Moscow vs Roma – 8:55 PM

Valencia VS Young Boys – 8:55 pm
FC Bayern Münich vs AEK Athens – 11:00 PM
Benfica VS Ajax – 11 PM