Inter Milan vs Barcelona, Napoli vs PSG, Red Star Belgrade vs Liverpool, Atletico Madrid vs Borussia Dortmund – Ciyaaraha Caawa, Shaxda Ay Kooxuhu Lasoo Shir-tegi Doonaan, Rikoodhada U Yaalla Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Waxa caawa ay kooxaha waaweyn ee qaaradda Yurub ee ku jirta tartanka Champions League yeelan doonaan ciyaarahoodii afraad ee wareegga koowaad ee Groupyada, kuwaas oo kooxaha qaarkood ay ku xaqiijisan karaan inay u gudbeen wareegga labaad ee 16-ka, halka kuwo kalena ay rajadoodu sii xumaan karto.

16 Kooxood oo ku wada jira hormooyinka A illaa D oo noqonaya siddeed ciyaarood, ayaa caawa foodda isku gelinaya, jamaahiirtooduna goob joog u noqon doonaan guul sharaf leh ama bahdilaad kasoo waajahda tartanka UEFA Champions League.

Kooxda Barcelona oo ciyaarteedii ugu dambaysay ee tartankan si xun u garaacday Inter Milan iyadoo uu waliba ka maqan yahay xiddigooda Lionel Messi ayaa  ku sugan magaalada Milan ee dalka Talyaaniga oo garoonka weyn ee San Siro ay kula ciyaari doonto Inter Milan oo dhibco ahaan kusoo xigta, laakiin Atletico Madrid ayaa gaaroonkeeda Metro Politano ku martigelinaysa Borussia Dortmund oo bishii hore ku xasuuqday 4-0, halka PSG ay marti u tahay Napoli oo barbar-dhac ku qabatay ciyaartoodii magaalada Paris, balse naadiga reer Ingiriis ee Liverpool ayaa safar dheer u galay dalka kasoo doogay colaadaha ee Serbia oo ay kula ciyaarayaan Red Star Belgrade oo kulankii Anfield ay ku khaarajiyeen 4-0.

Inter Milan vs Barcelona

Barcelona ayaa u ciyaari doonta si ay u noqoto kooxdii ugu horreysay ee u gudubta wareegga 16-ka, waxaana haddii ay guuleysato ay xaqiijisan doontaa guushii afraad oo xidhiidh ee wareegga koowaad ee Group B, laakiin Inter Milan oo marti loo yahay ayaa u halgami doonta inay kaalinta koowaad ku qabsato Barca oo ay guul weyn ku gaadho garoonkeeda.

Inter Milan waxay haysataa lix dhibcood, guusheeduna waxay sare ugu sii qaadi doontaa inay sii niyadda kasii disho Tottenham iyo PSV oo ku wehelinaya Group-kan oo haysta min hal dhibic oo kaliya.

Inter Milan guul-darro ayay kala kulantay ciyaartii ugu dambaysay ee Barcelona ay iska hor yimaaddeen oo October 24 ka dhacday garoonka Camp Nou, hase yeeshee, waxay hore 2-1 ugaga soo adkaatay Tottenham iyo PSV Eindhoven, sidaana waxay ku haysataa lix dhibcood oo tababare Luciano Spalletti ka dhigay mid lug lasii galay wareegga labaad.

Rikoodhka guulaha ee xili ciyaareedkan ee Inter Milan maaha mid liita, waxaana ay siddeed jeer ka diiwaangashadeen guulo horyaaalka Serie A, laakiin xili ciyaareedka oo dhan waxay la kulmeen saddex guul-darro oo mid tahay tii Barcelona u xambaarisay, labada kalena horyaalka ayaa waxa 3-0 iyo 5-0 ugu dhiibay naadiyada Lazio iyo Genoa.

Kooxdan sannadkii 2010 ku guuleysatay Champions League ayey markan u tahay xili ciyaareedkii 12aad ee ay ka qayb-gelayaan tartanka Champions League, iyo sidoo kale markii ugu horreysay tan iyo 2011-12, sababtuna waa in sannadihii ugu dambeeyey ay hoos u dhac weyn la kulmeen oo xattaa Europa League ay bilowga hore kaga hadhayeen.

19-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey waxay shabaqooda nadiif ka dhigeen toddoba ka mid ah, weerarkooda ugu wanaagsana waa Mauro Icardi oo sidoo kalena ah hoggaamiyaha waxaanu dhaliyey siddeed gool 11-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, balse waxa uu ku dhibaatooday ciyaartii Barcelona oo su’aal la geliyey awooddiisa ciyaareed markii uu ku dhex-haftay garoonka.

Kasii Akhri Bogga 2-4