Islaam Nacayb: Warbaahinta Gaalada Oo Weerartay Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Nurmagomedov Oo Daawaday Ciyaartii PSG vs Liverpool Iyo Halkii La Fadhiisiyey Oo Ay Wax Ka Sheegeen

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa xalay ka qayb-galay ciyaartii PSG iyo Liverpool ee garoonka Parc des Prince, oo la fadhiisiyey qaybta madaxda ee VIP-da.

Khabib oo dhowaan kasoo laabtay safaro uu ku tegay dalal Islaam ah oo ay ku jiraan Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Nigeria ayaa waxa lagu casuumay ciyaartii PSG usoo celisay rajada Champions League ee ay 2-1 kaga adkaatay Liverpool

Feedhyahankan sumcadda badan ku yeeshay dunida markii uu garaacay McGregor oo aflagaadeeyey diinta Islaamka horraantii bishii October, ayaa waxa casuumad u diray mulkiilaha madaxweynaha Carbeed ee PSG oo u diyaariyey booska qaybta VIP-da oo uu ka daawado ciyaarta.

Arrintan ayaa waxay keentay in warbaahinta reer galbeedku ay si xun wax uga qoraan, iyagoo si gaar ah u tilmaamay in booska la fadhiisiyey aanu u qalmin ee ay ka mudnaayeen dad badan oo kale sida Leonardo DiCaprio iyo Mick Jagger oo dadweynaha dhex-fadhiyey.

Leonardo DiCaprio iyo Mick Jagger oo taageereyaasha dhex fadhiya

“Si shaqsi ah ayuu mulkiiluhu u casuumay, siday u dhici kartaa?! Xiddiga kaliya ee ka kursiga wanaagsan Khabib wuxuu ahaa Didier Deschamps – tababaraha qaranka Faransiiska u qaaday koobka Adduunka 2018” Sidaas waxa qoray mid ka mid ah warbaahinta reer galbeedka oo sidoo kale xusay inuu dhawaan la kulmay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iyo hoggaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov.