Jurgen Klopp Oo Lagu Wargeliyey Dhaawac Cusub Oo Soo Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool

Toddobaadka soo socda waxa dib u bilaabmaya horyaalka Premier League oo Liverpool ay la ballansan tahay Watford oo ay marti u noqon doonto, waxaase ka hor ciyaartaas soo yeedhay war ka nixiyey tababare Jurgen Klopp oo sheegay inuu dhaawacmay mid ka mid ah ciyaartooyadiisu.

Ciyaartii ugu dambaysay waxay Liverpool ka guuleysatay Fulham, waxaanay dib ugu soo laabatay kaalinta labaad oo ay kala baxday Chelsea oo usbuucii ka horreeyey goolal tirsi ku cidhiidhsatay, hase yeeshee guul ay ka gaadho Watford waxay siin kartaa fursad ay ku qaban karto hoggaanka laakiin waa in Manchester City ay khasaare kala kulanto safarkeeda West Ham United.

Tababare Klopp oo rajaynaya inuu dib u helo kabtankiisa Jordan Henderson oo dhaawac ku seegay kulamadii Cardiff City iyo Arsenal, isla markaana 21 daqiiqadood ciyaaray kulankii Fulham, ayaa waxa lagu wargeliyey inuu mar kale dib u dhaawacmay.

Henderson ayaa waxa uu ku dhaawacmay ciyaartii saaxiibtinimo ee xulka qaranka England jimcihii la yeeshay Maraykanka, waxaanu awoodi kari waayey inuu ka mid noqdo ciyaartoygii tababare Southgate kala hor tegay Croatia ee guusha u keeentya.

Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirta ayaa laga sugayaa inay war kasoo saaraan dhaawac cusub ee Henderson iyo muddada uu maqnaan doono.