Ka Hor Ciyaarta Caawa, Sergi Roberto Oo Ka Hadlay Awoodda Barcelona Ee Marka Uu Joogo Lionel Messi Iyo Marka Uu Maqan Yahay

Laacibka baasha midig ee difaaca iyo khadka dhexeba uga ciyaara Barcelona ee Sergi Roberto ayaa falan-qayn ku sameeyey awoodda kooxdiisa ee marka uu joogo Lionel Messi iyo marka uu maqan yahayba.

Barcelona ayaa ku sugan dalka Talyaaniga oo ay caawa kula ciyaarayso kulanka afraad ee Group B kooxda Inter Milan, waxaana inkasta oo lagu soo daray liiska ciyaartooyada haddana la filayaa in aanu ciyaarin Lionel Messi oo bishii hore ka jabay gacanta midig, taas oo uu ku seegay ciyaartii hore ee labada kooxood ee dhamaadka bishii hore.

Haddaba ciyaartoyga baasha midig ee difaaca iyo khadka dhexeba ka ciyaara ee Sergi Roberto ayaa sheegay in marka uu laacibka reer Argentina ka maqan yahay aanay awood badan lahayn, hase yeeshee ay muujin doonaan inay yihiin koox fiican, waxaanu yidhi: “Haddii uu Leo Messi maqan yahay, ma nihin koox sidaa u awood badan, laakiin waa inaanu muujino inaanu nahay koox wanaagsan.”

Sergi Roberto waxa uu xusay in Leo Messi uu ku faraxsan yahay inuu ula safray Talyaaniga, horena ay uga baqayeen inuu maqnaado, waxaanu yidhi: “Cabsi ayay nagu haysay maqnaanshihiisu, waana wax caadi ah inay na saamayso, llaakiin isaguna wuxuu ku faraxsan yahay inuu nala socdo, waanay noo wanaagsan tahay inuu nala safray. Nasiib wanaag, waxaanu awood u yeelanay inaanu badino ciyaarihii uu naga maqnaa, mana garanayo inuu ciyaaro doono laakiin waxaanu ku faraxsanahay inuu halkan joogo.”

Xiddigan reer Spain waxa uu tilmaamay in caawa ay raaci doonaan jidkii ay u mareen guulihii ay ka gaadheen Real Madrid ama kulankii hore ee Inter Milan, haddii ay guuleystaana ay ka dhigan tahay inay kubbad wanaagsan ciyaareen oo ay niyad fiican ula tegi doonaan Tottenham.