Karim Benzema Oo Xalay Ku Biiray Buugga Taariikhda Halyeeyada Real Madrid Iyo Goolashii Uu Ka Dhaliyey Viktoria Plzen Oo Sabab U Noqday

Karim Benzema ayaa xalay lagu diiwaanka kaydka dahabiga ah ee kooxda Real Madrid kaddib markii uu laba gool ka dhaliyey naadiga Viktoria Plzen oo ay ku burburiyeen 5-0.

Daqiiqaddii 21aad ayaa uu Benzema jabiyey derbiga difaaca kooxda ay martida u ahaayeen, waxaana kubbad uu kasoo qaatay bannaanka goolka uu lasoo dhaafay dhawr ciyaartoy ka hor intii aanu goolhaye Ales Hruska dhinac ka marinin kubadda. Mar labaad ayaa kubbad qurux badan uu Benzema shabaqa taabsiiyey qaybtii daqiiqaddii 37aad, waxaase goolal kale dhaliyey Casemiro, Bale iyo Kroos oo guushii ugu weynayd beryahan u keenay Los Blancos.

Labada gool ee Benzema ayaa ahaa kuwo taariikhda uu ku galay maadaama oo uu hore usoo diiwaangashaday 198 gool, waxaanay labada xalay u buuxiyeen tirsiga 200, waxaanu sidaas ku noqday ciyaartoygii toddobaad ee taariikhda Real Madrid ugu goolasha badnaa.

Benzema oo Los Blancos u ciyaaray 429 kulan muddo sagaal sannadood ah oo uu u ciyaarayey, ayaa waxa kaliya oo ka horreeya laacibiinta Hugo Sanchez, Ferenc Puskas, Carlos Santillana, Alfredo Di Stefano, Raul iyo Cristiano Ronaldo, waxaana xaqiiqo ah inuu qaar ka mid ah halyeeyada ka goolasha badan uu qaarkood ka sare mari doono.

Taariikhda Real Madrid waxa ugu goolal badan Cristiano Ronaldo oo u dhaliyey 450 gool ka hor intii aanu xagaagii uga wareegin Juventus.