Kepa Arrizabalaga Oo Aamusnaanta Ka Baxay, Kana Hadlay Waallidii Amardiiddada Ee Uu Sameeyey Xalay

Goolhayaha kooxda kubadda cagta ee Chelsea, Kepa Arrizabalaga  ayaa ka hadlay amardiiddadii uu sameeyey daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaartii xalay ay Manchester City rikoodheyaasha kaga qaaday Koobka Carabao Cup ee sidoo kale loo yaqaano EFL Cup.

Goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa loo taagay calaamadda beddelka daqiiqaddii 118aad ee dhamaadka kulanka, si uu usoo galo Caballero oo badbaadinta rikoodheyaasha khabiir ku ah, hase yeeshee, Kepa Arrizabalaga  ayaa diiday inuu qaato amarka macallinkiisa oo uu dibedda uga baxo ciyaarta.

Muddo kooban ayay ciyaartu daraadii u taagnayd, waxaana taas aad uga cadhooday tababare Maurizio Sarri iyo ku-xigeenkiisa Zola, halka ay jamaahiirta naadiga iyo dhamaan bahda kubadda cagtuna si adag uga falceliyeen.

Dad badan oo ay ku jiraan ciyaartooyo hore ayaa waxay dalbadeen in ciqaab adag la marsiiyo goolhaye Kepa, hase yeeshee, tababare Sarri ayaa tilmaamay in isfaham darro ka dhacday dhexdooda oo uu laacibkani moodayey in jug soo gaadhay darteed looga saarayo garoonka, isla markaana uu doonayey inuu adkaysi muujiyo, si uu u caawiyo kooxdiisa.

Haddaba, goolhaye Kepa Arrizabalaga  ayaa ka hadlay falkii uu sameeyey, waxaanu yidhi: “Waxa dhacday isfaham darro, ujeedaddayduna may ahayn inaan amardiiddo sameeyo ama wax kale oo ka dhan ah tababaraha. Kaliya waxa dhacday isfaham darro, sababtoo ah laba jeer ayey jug igu dhacday, waxaanan ku fikiray in tababaruhu uu sidaas darteed ii beddelayo.”

“Laba illaa saddex daqiiqadood ayaan qas ku jiray, markii aan imid dibedda ayaana wax walba la ii sharraxay, manay ahayn arrin aan dhibaato kale uga jeeday.” Ayuu yidhi.