Fadeexad: Manchester City Oo La Helay Qaabkii Ay U Khiyaamaysay FIFA

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa been abuur ku samaysay dhaqaalaheeda soo gala, si ay uga baxsato ciqaab ay kala kulmaan FIFA.

Faddeexadda Football Leaks oo uu baahiyo wargeyska Der Spiegel ayaa waxay soo bandhigay in Manchester City ay samaysay dhaqaale been abuur ah oo ay lacago kasoo qaadatay shirkado, heshiisyo abuur abuur ah amaba buun-buunin ahna gashay si ay warbixinteeda dhaqaalaha ay uga muuqato lacago badan oo soo galay oo dhab ahaan aan jirin.

Qoraalo sir ah oo laga helay Manchester City ayaa waxay caddeeyeen in sannadkii 2013 ay kooxdu gashay khasaare maaliyadeed oo dhamayd £9.9 milyan Gini, laakiin uu mulkiilaha Carbeed ee Sheikh Mansour qaab farsamaysan kor ugu qaaday heshiiska ay kula jirto shirkadda laga leeyahay Abu Dhabi oo uu isagu qayb ka yahay.

Manchester City oo sannadkii 2008 uu iibsaday maal-qabeenka reer Abu Dhabi ee Sheikh Mansoor, loona tixgeliyo in qoyskoodu leeyahay ayaa markii ay FIFA u gudbisay warbixinteeda dhaqaalaha sannadkii 2014, waxa lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga oo ay kala bateen dakhligii soo galay iyo kharashkii baxay, waxaana lagu xukumay ganaax dhan £49 milyan.

Wargeyska Der Spiegel waxa kale oo uu soo bandhigay farriimo email ah oo laaga helay madaxa dhaqaalaha Manchester City ee Jorge Chumillas oo sannadkii 2013 kala tashanaya shirkaddaha AD sidii loo dabooli lahaa khasaaraha soo gaadhay ee ay ku mutaysan karayaan ganaax kaga yimaadda UEFA iyo FIFA labadaba, waxaana farriintaas loo diray shirkadda diyaaraha Etihad, Abar iyo masuuliyiin dalka Abu Dhabi oo markiiba lacagtaas u shubay kooxda, taasina waxay timid markii isbeddel lagu sameeyey heshiiskii xayaysiinta ee kooxdu la gashay sannadkii 2012.

Farriin kale oo email ah oo uu agaasimaha fulinta kooxda ee Simon Pearce diray sannadkii 2015 ayaa uu wargeysku soo bandhigay, waxaana uu Pearce ku faahfaahinayey qaabka ay shirkadda Aabar u bixinayso lacagaha heshiiska ay wada galeen oo dhigayey in qaddin lagu bixiyo £3 milyan iyo baaqiga hadhay oo dhamaa 12 milyan oo Gini oo siyaabo kala duwan loo bixinayo.