LA OGAADAY: Qofka Caqabadda Ku Ah In Paul Pogba Uu Ku Biiro Real Madrid Oo La Ogaaday

Paul Pogba ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Real Madrid xagaaga soo socda, isla markaana uu xili ciyaareedyada soo socda xidho funaanadda Real Madrid, isaga oo ka hoos ciyaaraya Zinedine Zidane.

Wararka saaka oo Isniin ah laysla dhex marayo Real Madrid ayaa waxay sheegayaan in Pogba ay tahay in haddaba qol looga sii diyaariyo gudaha Los Blancos si uu xagaaga ugu soo dego, balse sidoo kale waxa la ogaaday inuu  jiro hal qof oo caqabad ku ah imaanshaha xiddiga reer France ee garoonka Santiago Bernabeu.

Laacibkan khadka dhexe oo sannadkii 2016 ay Manchester United kagala soo wareegtay Juventus lacag dhan £89 milyan oo Gini oo xilligaas ahayd xaddigii ugu badnaa ee laacib lagu kala iibsado ayaa suuqa isa soo dhigay usbuucan markii uu si lama filaan ah u shaaciyey inuu qof kastaa jecel yahay, kuna riyoodo inuu u ciyaaro Real Madrid.

Laakiin damac kasta oo ku jira Pogba iyo Real Madrid, waxa caqabad ku noqonaya xidhiidhka aan wanaagsanayn ee u dhexeeya Mino Raiola oo ah wakiilka Pogba iyo madaxweynaha Real Madrid, sidoo kalena wakiilkan oo heshiiskii uu Pogba ugu wareegay Manchester United ka helay lacag badan ayaa mar kale dalabka Real Madrid wuxuu ku darsan doonaa lacag isaga u gaar ah, taas oo iyaduna noqonaysa caqabad kale.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain, Raiola ayaa waxa uu doonayaa in Pogba uu dib ugu celiyo kooxdiisii hore ee  Juventus oo ciyaartoyguna uu xiisaynayo, balse haddii Los Blancos ay afgarato Raiola, waxa uu Pogba noqon doonaa laacib qayb ka noqda qorshaha dibu-habaynta Real Madrid ee xili ciyaareedka dambe.