Liiska Ciyaartoyda Man United Ee Kulanka Liverpool Oo La Ogaaday, Miyay Martial & Jesse Lingard Ku Soo Baxeen.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa xalay u hoyday hudheelka uu tababare Ole Gunnar Solskjaer degan yahay ee Lowry Hotel waxaana halkan laga ogaaday liiska ciyaartoyda ee uu Ole Gunnar Solskjaer u diyaarsaday kulanka adag ee ay caawa la yeelan doonaan Liverpool ee Old Trafford ka dhici doona.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa Man United ee kulanka Liverpool waxa uu ku soo darsaday Jesse Lingard laakiin waxaa liiskan ka maqan Anthony Martial iyada oo Lingard uu heli karo fursad uu kulanka Liverpool ku ciyaari karo.

Marcos Rojo ayaa sidoo kale ku jira liiska ciyaartoyda Man United ee kulanka Liverpool laakiin Antonio Valencia iyo Darmain ayaa wali sii maqnaan doona.

Alexis Sanchez, David De Gea, Romelu Lukaku iyo Rashford ayaa dhamaantood ka soo muuqday liiska ciyaartoyda Man United si la mid ah xidigaha muhiimka ah ee Pogba, Matic iyo Herrera  oo ah saddexda xidig ee khadka dhexe ku soo wada bilaaban doona.

Scott McTominay iyo Fred oo ay hubaal tahay in ay kadyka fadhiyi doonaan ayaa liiskan ku jira si la mid ah Juan Mata oo booskiisa u lumin kara haddii uu Lingard taam buuxa u noqdo kulankan.

Liiska Ciyaartoyda Man United ee Kulanka Liverpool

David de Gea, Sergio Romero, Lee Grant, Diogo Dalot, Chris Smalling, Victor Lindelof, Eric Bailly, Marcos Rojo, Luke Shaw, Ashley Young, Fred, Scott McTominay, Ander Herrera, Paul Pogba, Andreas Pereira, Juan Mata, Alexis Sanchez, Jesse Lingard, Marcus Rashford, Romelu Lukaku