Lionel Messi Oo Ka Maqnaan Doona Ciyaarta Real Madrid Iyo Kulamo Kale Oo Muhiim Ah

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa muddo ka maqnaan doona garoomada kaddib dhaawac jabniin ah oo ka gaadhay gacanta midig qaybta hore ee ciyaartii ay kooxdiisu ku derdertay Sevilla.

Lionel Messi ayaa dhulka ku dhacay daqiiqaddii 15aad ee ciyaarta markii ay kubadda isku qabsadeen laacibka Sevilla ee Vazquez, waxaana markiiba gudaha garoonka loogu sameeyey daaweyn iyo in la duubo gacanta, hase yeeshee waxa muuqatay inuu jaban yahay oo aanu sii wadan karin ciyaarta.

Tababaraha ayaa markaas go’aansaday inuu garoonka ka saaro, hase yeeshee shaybaadho sawir ah oo lagu sameeyey ciyaarta kaddib ayaa waxa lagu ogaaday inuu ka jabay mid ka mid ah labada lafood ee mataana loo yaqaano.

Dhaawacan ayaa waxa uu lionel Messi ku maqnaan doonaa ugu yaraan saddex toddobaad oo ay kooxdiisa kusoo fool leeyihiin ciyaaro adag oo ay ugu soo horreyso ciyaarta Real Madrid ee toddobaadka dambe ka dhici doonta Camp Nou.

Weli si rasmi ah Barcelona umay xaqiijinin inta kulan ee uu maqnaanayo, hase yeeshee waxa la fahamsan yahay in dhaawaca noocan ah uu qaato illaa saddex toddobaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*