Lionel Messi Oo Usoo Jeediyey Maamulka Barcelona In Kooxaha Liverpool Iyo Manchester United Ay Uga Hormarto Laacib U Dhashay Argentine

Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa usoo jeediyey maamulka kooxdiisa Barcelona inay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo laacib ay isku waddan yihiin oo ay raadinayaan kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

Messi waxa uu u sheegay madaxda kooxdiisa xaqiiqada ah in Jordi Alba uu yahay ciyaartoyga kaliya ee baasha bidix ee difaaca ee ay kooxdu haysato, ayna u baahan yihiin beddel fiican oo haddii uu dhaawacmo kaalintiisa buuxin kara.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, Messi waxa xusay in Nicolas Tagliafico oo ka tirsan Ajax oo ay indhaha ku hayaan Liverpool iyo Manchester United uu yahay ciyaartoyga ugu habboon ee buuxin karaya booska Alba.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in  maamulku ay si fiican u dhegaysteen soo jeedinta Messi ee heshiiska Tagliafico oo ay ku heli karayso lacag dhan €20 milyan oo Euro, laakiin warku ma caddaynin in loo sameeyey ballan-qaad ah in marka uu furmo suuqa iibka ciyaaraha ee xagaagu la keeni doono Camp Nou iyo in kale.

Xili ciyaareedkan socda, Tagliafico waxa uu Ajax u dhaliyey shan gool, lix kalena caawiye ayuu ka noqday isagoo difaaca bidix ka ciyaaraya, waana sababta uu Messi u doonayo in la keeno Camp Nou.