Lionel Messi vs Maradona, Zidane vs Platini, Pele vs Ronaldinho, Figo vs Cristiano – Wargeyska Marca Oo Sameeyey Qiimayn Muran Abuurtay

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa shaaciyey qiimayn muran iyo dood abuuri karta oo ku saabsan ciyaaryahannadii ugu waaweynaa ee dunida soo maray, gaar ahaan waddan walba laacibkii ugu fiicnaa.

Hore dunida waxay ugu qaybsanayd midka wanaagsanaa halyeeyadii Brazil iyo Argentine ee Pele iyo Diego Maradona, kuwaas oo waqti dambe lagu kala magacaabay Boqorka Kubadda cagta iyo Mucjisada Kubadda cagta, laakiin waxa dooddaas beddeshay mid socotay toban sannadood oo ku saabsan midka fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, kuwaas oo min shan jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican caalamka ee Ballon d’Or.

Dood saddexaad oo kale ayaa waxay tahay in Lionel Messi uu yahay laacibkii ugu fiicnaa ee dunida soo maray, iyadoo ay dadka qaarkii ka sarraysiiyeen Diego Maradona iyo Pele, halka dood afraadna ay isbarbar-dhig ku samayso Diego Maradona iyo Lionel Messi oo midka fiicnaa laysku khilaafo.

Daliillada doodahan loo adeegsado waxa ka mid ah in Lionel Messi uu ku guuleystay koob kasta oo suurtogal ah oo uu la qaadi karayey kooxdiisa, sidaas oo kalena Cristiano Ronaldo uu sameeyey balse uu dheer yahay hal arrin oo ah inuu dalkiisa la qaaday Euro 2016.

Dhinaca jiilkii hore, Pele iyo Maradona waxay dalalkooda u qaadeen Koobka ugu qaalisan dunida ee Koobka Adduunka, iyadoo halyeyga reer Brazil uu haysto rikoodh saddex Koob Adduun ah iyo kuwo kale oo maxalli ah oo uu naadigiisii Santos u horseeday, iyadoo uu dhaliyey in ka badan 1,000 gool waqtigii uu garoomada ku jiray.

Marka ay noqoto gudaha Brazil, ma jiro ciyaartoy lagu dhereriyo Pele, waxaana meel cidlo ah istaaga Ronaldinho oo wacdarihii uu garoomada ka sameeyey xasuustoodu aanay sannado badan dhamaanaynin, sidoo kalena Ronaldo Nazario iyo Romario oo koobab adduun ku guuleystay ayaan marna isku dhererinin halyeygooda.

Wargeyska Marca ayaa waxa uu daabacay magacyada ciyaaryahannadii ugu waaweynaa dunida, iyadoo uu si gaar ah u xusay magaca laacibkii ugu wanaagsanaa wadddan kasta, waxaana uu kala-doortay Lionel Messi iyo Diego Maradona, sidoo kalena Zinedine Zidane iyo Michael Platini ayaa uu kala saaray.

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah ciyaaryahannada uu wargeysku sheegay inay ugu wanaagsanaayeen dalalkooda:

Argentina – Lionel Messi

Portugal – Cristiano Ronaldo

Brazil – Pele

France – Zinedine Zidane

Germany – Franz Beckenbaer

England – Sir Bobby Charlton

Denmark – Peter Schmeichel

Croatia – Luka Modric

Colombia – Carlos Valderrama

Spain – Andres Iniesta

Netherlands – Johan Cruyff

Italy – Paolo Maldini

Uruguay – Diego Forlan

Turkey – Davor Suker

USA – Landon Donovan

Sweden – Zlatan Ibrahimovic