Liverpool Oo Guul-darro Xanuun Badan Loogu Xambaariyey Serbia, Red Star Belgrade Oo Rajada Ka Xumaysay Rajada Klopp Iyo Fursadda Ay U Haysato Inay Kasoo Baxdo Group-ka Dhimashada Oo Liidata

Liverpool ayaa guuldaradii labaad ee UEFA Champions League ee xili ciyaareedkani ka soo gaadhay kooxdii ay Anfield ku xasuuqday ee Red Star Belgrade oo markeeda si buuxda u aarsatay waxayna Liverpool la soo kulantay waji gabax kale iyada oo iska qasaarisay fursad wayn oo hortaalay.

Kooxda Red Star Belgrade ayaa qaybtii hore ee kulankan shaqadeeda qabsatay iyada oo laba gool ka dhalisay Liverpool laakiin qaybtii labaad waxay samaysay difaacasho wayn si ay Liverpool u niyadjabiso waana guuldaradii labaad oo xidhiidh ah ee Liverpool Champions League ka soo gaadhay iyada oo marti ah.

Kooxaha Napoli iyo PSG oo hadda kkulan adag wada ciyaaraya ayay guul wayn u tahay in ay Red Star guuldaro soo baday Liverpool taas oo groupkan ka dhigi doonta mid xaaladiisu cakiran tahay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Liverpool XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; James Milner, Georginio Wijnaldum, Adam Lallana; Mohamed Salah, Daniel Sturridge, Sadio Mane.

Kaydka: Fabinho, Naby Keita, Roberto Firmino, Joe Gomez, Alberto Moreno, Simon Mignolet, Divock Origi.

Red Star Belgrade XI (4-2-3-1): Milan Borjan; Filip Stojkovic, Vujadin Savic, Milos Degenek, Milan Rodic; Nenad Krsticic, Dusan Jovancic; Slavoljub Srnic, Marko Marin, Ben Nabouhane; Milan Pavkov.

Kaydka:  Zoran Popovic, Branko Jovicic, Srdjan Babic, Nikola Stojiljkovic, Goran Causic, Veljko Simic, Marko Gobeljic.

Qaybtii hore ee ciyaarta kooxda Red Star Belgrade ayaa Liverpool iyo aduunka ka yaabsaday kadib markii ay si layaableh u karbaashtay kooxda Jurgen Klopp oo qaybtii hore soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu liitay ee tan iyo markii macalinka reer Germany loo magacaabay shaqada Liverpool.

Daqiiqadii 22 aad kooxda Red Star ayaa Liverpool kaga naxsatay goolka muhiimada khaaska ah u lahaa ee furitaanka waxaana goolka u saxiixay xidigaha indhaha caalamka xaday ee M. Pavkov kaas oo caawin ka helay M. Marin waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Res Tar Belgrade hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Daqiiqadii 29 aad Alla Muxuu Gool Ahaa!! Kooxda Red Star Belgrade ayaa markan kaga dhabaysay riyadeeda waxayna goolka labaad oo cajiib ah ugu qubaysay kooxda tamarta darnayd ee Liverpool oo aan qaybtii hore waxba la so shirtagi waxaana goolkiisii labaad Red Star u saxiixay M. Pavkov kaas oo darbo aan la rumaysan karin meel foog ugu garaacay goolhaye Alisson waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Red Star hogaanka ku dheeraysatay.

Qaybtii hore ee ciyaartu waxay Liverpool u u ahayd mid musiibo ah waxayna garan waayeen qaabkii ay uga jawaabi lahaayeen labada gool ee looga hor maray waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 ay Red Star Belgrade kaga yaabsatay Liverpool.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa laba isbadal ku soo sameeyay maadaama oo uu sugi kari lahaa in ay qaybtii hore dhamaato wuxuuna saaray Alexander-Arnold  iyo Sturridge oo fashilka Liverpool qayb wayn ka ahaa wuxuuna ciyaarta soo galiyay Roberto Firmino iyo Joe Gomez.

Daqiiqadii 55 aad Liverpool ayaa ku dhawaatay in ay goolkeeda furitaanka rajo ku abuurto laakiin birta goolka ayaa fursad wayn ka beenisay  Robertson halka kubbada soo booday uu Firmino awoodi waayay in uu si fiican ugu xidhmo.

Daqiiqadihii 70 aad iyo 71 aad Mohamed Salah ayaa helay laba fursadood oo goolal cadaan ah lagu dhalin karayay waxa uu marka hore haystay fursad uu ku garaaci karayay  Borjan si uu goolka u dhaliyo balse goolhaya Red Star ayaa kubbada iska dhirbaaxay balse markale koorne uu Milner soo tuuray ayuu Salah birta ku garaacay.

Haddii qaybtii hore ee ciyaarta ay Liverpool si wayn u liidatay waxaa qaybtii labaad u raacday nasiib xumo iyo laba jeer birta garaacday balse wali raadinasyay qaabkii ay ku dhaafi lahayd Red Star oo si fiican difaaca kooxdeeda iskugu nidaamisay.

Daqiiqadii 79 aad Klopp ayaa badalkiisa saddexaad ka dhigtay xidiga aan xili ciyaareedkan qorshihiisa ku soo jirin ee Origi wuxuuna saaray Lallana oo su’aal la galiyay sababta uu shaxdiisa kulanan ugu soo bilawday waxayna markan Reds sii waday cadaadis ay goolasha lagu lahaa ku baadi goobaysay.

Wax walba oo ay Liverpool samaysay waxay ku fashilantay in ay dhaafto difaaca kooxda Red Star iyada oo Reds fursado ay ciyaarta guu soo labaan kartay iska qasaarisay waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Red Star Belgrade guusheedii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan ee UCL kaga gaadhay Liverpool.

Liverpool ayay soo gaadhay guuldaradii labaad ee Champions League waana arin dhabar jab ku ah kooxda Jurgen Kopp oo haysatay fursad ay culays wayn u sii saari kartay Napoli iyo PSG oo ay isku group yihiin kuwaa soo hadda haysta fursad ay Liverpool xaalada ugu adkayn karaan.