Maamulka FA Oo Shaaciyey Garsooreyaasha Qaban Doona Kulamada Toddobaadkan Ee Horyaalka Premier League

Xidhiidhka kubadda cagta FA ayaa soo saaray garsooreyaasha dhexdhexaadin doona kulamada horyaalka Premier League ee usbuuca 29aad oo ay ku ballansan yihiin naadiyo waaweyn.

Labada kulan ee ugu adag toddobaadkan waxay dhex mari doonaan Tottenham Hotspur oo martigelin doonta Arsenal oo ay ka wada dhisan yihiin magaalada London iyo kulanka loo yaqaano Merseyside derby oo dhexmari doona Everton iyo Liverpool.

Ciyaarta Tottenham iyo Arsenal ayaa waxa qaban doona garsoore Anthony Taylor oo ay calanwadeyaal u noqonayaan Gary Beswich iyo Adam Nunn, halka garsooraha afraadna lagu qoray Jonathan Moss.

Kulanka Merseyside derby, waxa loo asteeyey inuu qabto garsoore Martin Atkinson oo ay garbihiisa taagan yihiin Stephen Child iyo Lee Betts iyadoo garsooraha afraadna uu noqonayo Paul Tierne.

Ciyaarta Manchester United iyo Southampton ayaa waxa qaban doona garsoore Stuart Attwell oo ay caawin doonaan Constantine Hatzidakis iyo Richard West oo uu garsooraha afraadna u noqonayo Martin Atkinson oo fursad u heli doona ciyaartan ka hor inta aanu u safrin ciyaarta Liverpool iyo Everton.

Bournemouth iyo Manchester City oo ah kulan isha lagu hayn doono natiijadiisa ayaa waxa hayn doona Kevin Fiend oo ay la shaqayn doonaan Matthew Wilkes, Adriano Holmes iyo David Coote.

Jadwalka garsooreyaasha iyo kulamada ay qaban doonaan:

Tottenham Hotspur v Arsenal –  Anthony Taylor
AFC Bournemouth v Man City –  Kevin Friend
Brighton v Huddersfield – Mike Dean
Burnley v Crystal Palace – Lee Probert
Man Utd v Southampton – Stuart Attwell
Wolves v Cardiff – Andre Marriner
West Ham v Newcastle – Chris Kavanagh
Watford v Leicester – Jonathan Moss
Fulham v Chelsea – Graham Scott
Everton v Liverpool – Martin Atkinson