Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyib Erdogan Oo La Kulmay Feedhyahanka Muslimka Ah Khabib Nurmagomedov Oo Booqanaya Dalal Islaam Ah

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa dalkiisa kusoo dhaweeyey feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov oo booqasho ku tegay Isniintii.

Khabib Nurmagomedov ayaa lagu marti-qaaday inuu ka qayb-galo xafladdii furitaanka garoonka diyaaradaha ee cusub ee Istanbul Airport, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne Erdogan oo kulan gaar ah ay eyesheen.

Nurmagomedov oo dhalasho ahaan kasoo jeeda jamhuuriyadda Dagestan ee woqooyiga Ruushka, sidoo kalena ah feedhyahankii ugu horreeyey ee Muslim ah ee u dhashay Ruushka ayaa dunida Islaamka caan ka noqday bishii hore markii uu garaacay gaalka weyn ee McGregor oo diinta Islaamka aflgaadeeyey ka hor intii aanay qabsoomin ciyaar feedh ah oo ay ku ballansanaayeen, waxaana wareeggii 4aad uu Khabib ku guuleystay inuu dhulka ugu tuuro McGregor oo caawin degdeg ah weydiistay xilli uu Nurmagomedov ku qabtay qoor-sagaaro.

Madaxweyne Erdogan oo marti-sharaf tiro badan ku casuumay xafladda furitaanka madaarka cusub ee Istanbul oo sannadkii ay ka duuli doonaan ama kasoo degi karaan 150 milyan oo rakaab ah, ayaa waxa marti-sharaftiisa uu ku darsaday Khabib oo uu casuumad gaar ah u fidiyey, waxaana ay waqti wada-qaateen Isniintii.

Erdogan ayaa u sheegay Khabib inuu diinta Islaamka kor u qaaday markii uu ka adkaaday McGregor.

Dhinaca kale, Khabib ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tegay waddanka Imaaraadka Carabta oo uu la kulmay masuuliyiinta dalkaas iyo bahda ciyaaraha, iyadoo uu u tegay xarumo lagu tababaro ciyaartooyada feedhka dalkaas, sidoo kalena garoomada kooxaha kubadda cagta qaarkood ayuu tegay.

Khamiistii toddobaadkii hore ayaa uu Khabib booqday garoonka kooxda kubadda cagta Al Wahda oo lagu magacaabo Al Nahyan Stadium oo ku yaalla magaalada Abu Dhabi. Kaddib waxa la geeyey xarunta tababarka feedhyahannada isaga oo xidhan dharka feedhka, halkaas oo uu casharo iyo tusaalooyin ku siiyey.

Booqashooyinkan dunida Islaamka uu ku marayo, ayaa waxay yimaaddeen maalmo ka hor intii aanu qaadanin go’aan adag oo uu ku diiday inuu ka qayb-galo dhegaysiga dacwad lagu soo oogey isaga iyo McGregor oo la xidhiidhay rabshad ay sameeyeen 6 October markii ay ku kala adkaadeen ciyaartoodii feedhka.

Khabib waxa uu sheegay in maalintaas uu difaacayey diintiisa Islaamka iyo qoyskiisa oo la aflagaaddeeyey, sidaas daraadeedna aanu dan ka lahayn haddii maamulka ciyaaraha Nevada ay u diidayaan dhamaan lacagtii uu ku guuleystay iyo haddii ay toban sannadood ciyaaraha ka mamnuucayaanba.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*