Man City Oo Guuleysan Doonta, Liverpool Oo Hoggaanka Qaban Karta, Mourinho Oo Nasan Doona iyo Saadaasha Khabiirka BBC Sports Mark Lawrenson Ee Kulamada Toddobaadka 16-aad Ee Premier League

Horyaalka Premier League ayaa usbuucan la ciyaari doonaa kulamadiisii 16aad, waxaana iskaga hor iman doona kooxo waaweyn oo dhinac ka fikiraya inay ciyaartoygooda qaab farsamaysan nasiimo ugu sameeyaan ciyaaraha Champions League ee badhtamaha toddobaadka qabsoomi doona.

Kooxda hoggaanka haysa ee Manchester City ayaa la kulmi karta guul-darradeedii ugu horreysay ee horyaalka Premier League marka ay booqato Chelsea oo cadhaysan kaddib laba ciyaarood oo isku xigta oo midna laga adkaaday midna ay barbar-dhac gashay.

Sida uu saadaaliyey khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenso kooxda tababare Pep Guardiola ayaan ku dhibaatoon doonin magaalada London waxaanay kala soo laaban doontaa guul ay hoggaanka kaga sii xejisato Liverpool oo iyaduna hoggaanka la wareegi karta haddii ay guul ka keento marka ay martida u noqoto Bournemouth, isla markaana laga adkaado Man City.

Liverpool oo ciyaarteedii ugu dambaysay guul weyn oo soo laabasho ah kaga daba timid Burnley ayaa waxay marti u noqonaysaa Bournemouth, halkaas oo ay ku mari doonto imtixaan adag ka hor ciyaarta badbaadinta mustaqbalkeeda ee ay badhtamaha toddobaadka kusoo dhoweyn doonto Napoli, taas oo ay ku qasban tahay inay guul ka keento si ay ugu gudubto wareegga 16ka ee tartanka Champions League, haddii kalena waxay gebi ahaanba kasoo hadhi doontaa tartanka ay xili ciyaareedkii hore finalka tagtay.

Mark Lawrenson oo xili ciyaareedkan saadaaliyey in ka badan 380 ciyaarood oo qabsoomay, ayaa waxa uu soo bandhigay daliil madax xanuun ku keenaya tababare Maurizio Sarri oo guul-darro guul-darro kale soo xaraysan doona.

“Chelsea way guul-darraysatay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay dibedda u baxday ee Tottenham iyo Wolves, waxaana soo muuqan doona mid ama laba isbeddel.” ayuu yidhi Mark Lawrenson.

“Manchester City tababaraheeda Pep Guardiola wuxuu isbeddel ku sameeyey ciyaartoyga kooxdiisa labadii ciyaarood ee tegay iyadoon saamayn ku yeelan natiijooyinkooda, laakiin waxa hubaal ah inuu xoojin doono ciyaartan.” Ayuu ku daray.

Mark Lawrenson waxa kale oo natiijooyin farxad leh u sheegay Arsenal oo garoonka Emirates ku martigelin doonta Huddersfield Town iyo Manchester United oo barbar-dhac garoonkeeda kula gashay Gunners ciyaartii ugu dambaysay laakiin Sabtida isla hoygeeda kusoo dhoweyn doonta Fulham oo dhawaan ka timid heeerka labaad.

Saadaasha Mark Lawrenson oo dhamaystiran:

Kulamada Sabtida

Bournemouth v Liverpool 0-2

Arsenal v Huddersfield 3-0

Burnley v Brighton 2-0

Cardiff v Southampton 2-1

Man Utd v Fulham 2-0

West Ham v Crystal Palace 2-0

Chelsea v Man City 0-2

Leicester v Tottenham 0-2

Kulana Axadda

Newcastle v Wolves 1-1

Kulana Isniinta

Everton v Watford 2-0