Man United & Arsenal Oo Kulan Cajiib Ahaa Barbaro Ku Galay Old Trafford, Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Layaableh Ah Ka Soo Gaadhay Burnley Iyo Wolves Oo Ka Yaabsatay Chelea

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay kooxda Burnley oo gool kaga hormartay iyada oo James Milner, Roberto Firmino iyo Shaqiri ay noqdeen saddexda xidig ee Reds saddexda dhibcood u soo riday laakiin Chelsea ayaa guuldaro kala soo laabtay Wolves inkasta oo ay Blues xataa gool ku hormartay.

Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa kulan xamaasad waali ah lahaa barbaro ugu galay Old Trafford kadib markii ay Red Devils laba jeer ka soo kabsatay laba gool oo ay hadba Arsenal mar kaga homartay.

Man United iyo Arsenal ayaa ciyaaray kulan layaableh oo xiiso badan laakiin waxay ku fashilmeen in ay wax guul ah kala gaadhaan taas oo keentay in rekoodhkii Gunners ee Old Trafford uu halkiisa sii ahaan doono iyada oo aan guul ku gaadhin ilaa 2006 kii kulan Premier league ah.

Halkan kaga wada bogo warbixinaha kulamadii Manchester United-Arsenal, Liverpool-Burnley iyo waliba kulankii Chelsea-Wolves.

KULANKA WOLVES VS CHELSEA

Chelsea ayaa iska lumisay fursad wayn oo ay guul iyo saddex dhibcood kaga soo heli kartay Wolves laakiin Blues ayaa la soo laabtay guuldaro xanuun badan kadib markii ay kooxda Wolves awooday in ay ka soo kabsatay gool ay Cheslea ku hormartay waxayna Wolves guul ku gaadhay 2-1.

CHELSEA (4-2-3-1): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Andreas Christensen, Marcos Alonso; Cesc Fabregas, N’Golo Kante, Ruben Loftus-Cheek; Willian, Eden Hazard, Alvaro Morata.

Kaydka: Willy Caballero, David Luiz, Davide Zappacosta, Mateo Kovacic, Jorginho, Pedro, Olivier Giroud.

WOLVES (3-4-3): Rui Patricio; Ryan Bennett, Conor Coady, Willy Boly; Matt Doherty, Joao Moutinho, Romain Saiss, Ruben Vinagre; Morgan Gibbs-White, Diogo Jota, Raul Jimenez

Kaydka: John Ruddy, Kortney Hause, Leander Dendoncker, Ivan Cavaleiro, Helder Costa, Adama Traore, Leo Bonatini.

Daqiiqadii 18 aad Chelsea ayaa jabisay iska caabintii xooganayd ee kooxda Wolves waxaana goolka furitaanka Blues u saxiixay xidiga saamaynta fiican kooxda kowaad ee Blues ku yeeshay ee Loftus-Cheek kaas oo caawin ka helay Eden Hazard waxaana goolkan sii caawiyay in kubbadu ay ku dhacday Loftus-Cheek.

Ciyaara ayaa noqotay 1-0 ay Chelsea hogaanka kula wareegtay laakiin Wolves ayaa qaybtii hore ee ciyaarta si wayn uga niyadjabsanayd in ay Chelsea gool kaga hormartay maadaama oo ay kubbad fiican soo bandhigtay.

Chelsea ayaa doonaysay in ay qaybtii hore goolal kale keensato halka Wolves ay u dagaalamaysay goolka barbaraha laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku haysay.

Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Wolves ayaa soo laabatay iyada oo u dhaarsan in ay iska soo celiso goolka looga hormaray qaybtii hore halka Chelsea ay raadinaysay goolka labaad ee kalsoonida.

Daqiiqadii 59 aad Wolves ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay waxaana goolka  muhiimada wayn kooxdeeda u lahaa u saxiixay R. Jiménez kaas oo caawin ka helay M. Gibbs-White waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah iyada oo Wolves dhiiro galin wayn heshay.

Daqiiqadii 63 aad Wolves ayaa si layaableh dhinaca kale ugu dhigtay Chelsea natiijada ciyaarta kadib markii uu Diogo Jota awooday in uu dhaliyo goolka labaad ee kooxdiisa isaga oo ka faa’iideeyay kubbad caawin uu ka helay Diogo Jota waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Wolves markeeda hogaanka kula wareegtay.

Chelsea ayaa si buuxda ugu fashilantay in ay markeeda soo laabasho samayso iyada oo wax walba oo ay iskugu dayday in ay keensato goolka barbaraha awood wayday waxayna Walves qabtay shaqo layaableh si ay Blues xalada ugu sii xumayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Wolves guul soo laabasho layaableh kaga gaadhay kooxda goolka kaga hormartay ee Chelsea waxayna Blues soo xambaaratay guuldaro kale oo niyadjab wayn ku abuuraysa jamaahiirta Blues iyo Sarri.

Bogga 2-aad Ka Akhriso Kulanka Liverpool iyo Burnley