Manchester United Oo Loo Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karayso Laacib Ay Raadinayso Iyo Man City Oo Tartanka Kula Soo Biirtay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ugu dambayn ogaatay qiimaha ay ku heli karayso laacib ay si weyn u doonayso oo qorshaha suuqa ee xagaaga safka hore kaga jira.

Sida uu qoray wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa dalka Talyaaniga, difaaca reer Slovakia ee Milan Skriniar oo ka tirsan Inter Milan ayaa waxa si weyn u doonaysa Man United oo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ku riixayo in marka uu suuqu furmo uu ka mid noqdo laacibiinta loo xidhayo funaanadda cas ee Red Devils.

Wargeysku waxa uu sheegay in Man United ay go’aansatay in Skriniar ay ka dhigato ciyaartoygeeda ugu horreeya ee imanaya Old Trafford, kaddib markii ay Napoli  sare u qaadday qiimaha ay ku iibinayso Kalidou Koulibaly.

Inter Milan ayaa u sheegtay Manchester United in difaaceeda lagu heli karayo lacag dhan £85 milyan oo Gini, balse Manchester City oo ay deris yihiin United ayaa iyaduna xiisaheeda soo bandhigtay.

United ayaa waxay aaminsan tahay in Kulibaly ay kaga bixi doonto lacag dhan £130 milyan oo Gini, halka Raphael Varane oo Real Madrid ahna ay £100 milyan ku heli karayaan, sidaas daraadeedna ay 24 jirka Inter Milan uga jaban yahay marka laga eego dhinaca qiimaha.