Manchester United Oo Waayi Doonta Alexis Sanchez Kulamada Muhiimka Ah Ee Arsenal & Liverpool Iyo Lix Ciyaarood Oo Kale

Alexis Sanchez doona garoomada muddo bil ah kaddib markii uu haleelay dhaawac muruqa ah oo dibedda ka dhigi doona garoomada xilligii ay ugu baahida badnayd Manchester United.

Wariye caan ah oo lagu magacaabo Duncan Castles ayaa shaaciyey in laacibka reer Chile aan lagu arki doonin garoomada muddo bil ah oo Manchester United ay kusoo fool leeyihiin siddeed ciyaarood oo usbuuc kasta ay laba kulan ciyaari doonto.

Dhaawacan oo Manchester United aanay war rasmi ah kasoo saarin, ayaa markii uu soo baxay xalay fiidkii, waxa uu Neil Custin sheegay in Sanchez uu laba toddobaad ka maqnaan doono garoomada, hase yeeshee sida uu wariye Duncan tibaaxay, waxa uu ku darsan doonaa laba toddobaad oo kale xilligaas.

Haddii 29 jirkan uu dhaawaciisu qaato muddada bisha ah ee la tibaaxay, waxay noqon doontaa inuu ka maqnaanayo dhamaan kulamada dhacaya bisha kooxaha Ingiriisku ku kala hadhaan ee December oo ay dhacayaan siddeed ciyaarood, waxaana muddadaas ay United la ciyaari doontaa kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo kaalmaha labaad iyo shanaad ku kala jira.

Kulamada uu seegi doono iyo garoomada ay ka dhacayaan

Southampton – Marti (1 December)

Arsenal – Minan (5 December)

Fulham – Minan (8 December)

Valencia – Marti (12 December)

Liverpool – Marti (16 December)

Cardiff – Marti (22 December)

Huddersfield – Minan (26 December)

Bournemouth – Minan (30 December).