Maxaa Iska Beddelay Gool-dhalinta Horyaalka Premier League, Yaase Hoggaaminaya?

Usbuucii 15aad ayaa soo dhamaaday tartanka horyaalka Premier League, waxaana ay kooxuhu isku diyaarinayaan jadwalka cidhiidhiga ah ee durba ay madaxa la galeen ee bishan December.

Naadiga Manchester City ayaa weli laga furfuri kari la’yahay kaalinta koowaad oo ay ku hayso 41 dhibcood, waxaana ku xigta Liverpool oo 39 dhibcood fadhiya kana dambaysa laba kaliya, laakiin waxa hoos u degtay Chelsea oo kaalinta saddexaad fadhiday kaddib markii ay guul darro kala kulantay Wolverhampton oo ay booqatay, waxaana kasoo sare martay Tottenham oo yeelatay 33 dhibcood, halka Chelsea ay haysato 31, Arsenal oo ka dambaysaana 30 dhibcood.

Kooxdii weynayd ee Manchester United ayaa hoos usii quusaysa oo kaalinta sagaalaad u dhacday markii ay barbar dhac la gashay Arsenal, waxaanay haysataa 22 dhibcood oo kaliya, waxaana farqiga goolasha kaga sarraysa Leicester City oo ay isku dhibco yihiin.

Sida kooxuhu ugu tartamayaan dhibcaha, waxa isna garab socda tartanka gool-dhalinta ee laacibiinta naadiyadu ugu baratamayaan kabta dahabka ah ee dhamaadka xili ciyaareedka.

Xiddiga Arsenal ee Aubameyang ayaa hor boodaya oo toban gool oo horyaalka ah dhaliyey, waxaana ku xiga Harry Kane oo sagaal dhaliyey.

Halkan ka akhri liiska kala sarraynta gool-dhalinta

  1. Pierre-Emerick Aubameyang – Arsenal – 10 gool
  2. Harry Kane – Tottenham – 9 gool
  3. Raheem Sterling – Manchester City – 8 gool
  4. Callum Wilson – Bournemouth – 8 gool
  5. Sergio Agüero – Manchester City – 8 gool
  6. Glenn Murray – Brighton – 8 gool
  7. Eden Hazard – Chelsea – 7 gool
  8. Aleksandar Mitrovic – Fulham – 7 gool
  9. Anthony Martial – Manchester United – 7 gool
  10. Richarlison – Everton – 7 gool
  11. Leroy Sané  – Manchester City – 6 gool
  12. Alexandre Lacazette  – Arsenal – 6 gool
  13. Gylfi Sigurdsson   – Everton – 6 gool
  14. Sadio Mané – Liverpool – 6 gool.

Waxa ku sii xiga 10 ciyaartoy oo kale oo dhaliyey min shan gool, kuwaas oo kala ah: Morata, Lukaku, Anderson, King, Pedro, Vardy, Maddison, Silva, Arnautovic iyo Riyad Mahrez.