Maxaa Sababay DAGAALKII Qolska Labbiska Ku Dhex Maray Ole Gunnar Solskjaer Iyo Anthony Martial?

Ole Gunnar Solskjaer ayaa indhaha kaga dhacay Anthony Martial, si adagna ugu dhex canaantay qolka labbiska kaddib ciyaartii Chelsea ay barbarraha kula galeen Old Trafford.

Laacibka u dhashay Faransiiska ayaa ahaa beddel suge aan la isticmaalin, waxaana uu tababare SOlskjaer ka door biday Alexis Sanchez oo dhaawac kasoo laabtay inuu beddel kusoo geliyo qaybtii dambe si uu kooxda u siiyo tamar ka caawisa inay hore ugu socon karto goolka Chelsea.

Muuqaallo daawasho ah oo soo baxay ayaa waxay shaaciyeen Martial oo ay da’diisu tahay 23 jir oo iska dhex taagan garoonka, isla markaana aan tababarka is-diyaarinta la samaynin ciyaartoyga kale ee kooxdiisa ka hor intii aanay bilaabin ciyaartu.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Martial ayaa ka cabanayey dhabar xanuun aanu wax cudur-daar ah uga haysanin dhakhaatiirta kooxda, laakiin tababare Solskjaer ayaa ka cadhooday ficilka ciyaartoyga oo isagoo u sheegay inuu diyaar u yahay kulanka oo liiska lagu soo daray haddana iska diiday tababarka, iyadoo uu haddana doonayey in la ciyaarsiiyo.

Kaddib markii ay ciyaartu dhamaatay, tababare Solskjaer ayaa la sheegay inuu cadho kula dul-dhacay Martial ciyaaryahannada kale hortooda, isla markaana uu si adag ugu sheegay in ficilka uu sameeyey yahay wax laga muraaradillaaco oo aan marnaba laga filaynin.

Inkasta oo aanu wargeysku xusin in Martial uu u jawaabay tababaraha, haddana warar kale ayaa sheegaya in ciyaartoygu uu ka falceliyey hadallada kulul ee sida badheedhka ah uu tababarihiisu ugu weeraray iyadoo ciyaaryahannada kale wada maqlayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Martial ayaa ahaa doorashada koowaad ee Solskjaer markii uu xilka qabtay, balse toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa laga tuuray kaddib hoos u dhac ku yimid bandhigga laacibka reer France.