Maxaad U Fadhiisisay? – Taageereyaasha Liverpool Oo Si Waalli Ah Uga Cadhooday Shaxdii Uu Tababare Klopp Kala Hor-tagey Manchester United

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka cadhooday shaxdii tababare Jurgen Klopp uu usoo xushay safka koowaad ee kulankii barbarraha ay ku kala baxeen Manchester United.

Taageereyaasha ayaa saluug weyn ka muujiyey qaabka uu usoo xushay safkiisa difaaca iyo khadka dhexe.

Tababare Klopp ayaa go’aansaday inuu qaato go’aan adag oo ah inuu isbeddel ku sameeyo safkiisa, si uu uga baaqsado haddiiba ay Man United soo daraasaysay shaxdiisa suurtogalka ah.

Klopp ayaa kusoo galay shax ka kooban 4-3-3 oo ay hoggaaminayaan xiddigaha sida Mohamed Salah, Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Virgil Van Dijk, hase yeeshee jamaahiirta ayaa ka cadhooday go’aanka uu ka qaatay difaaca oo uu ka saaray Arnold oo kaydka kasoo muuqda.

James Milner ayaa difaaca midig uu tababare Klopp usoo xushay halka uu kaydka dhigay Trent-Alexander Arnold, waana go’aan adag maadaama 33 jirka Milner aanu qaban karin shaqada Arnold.

“Muxuu kursiga kaydka ka qabanayaa Arnold” Sidaas waxa soo qoray mid ka mid ah taageereyaasha Liverpool.

Mid kale oo cadhaysan ayaa isaguna bartiisa Twitterka soo dhigay: “Khasaare weyn ayaa nagu dhacay”