Maxay Ahayd Sababtii Jurgen Klopp Uga Dhex Ooyey Qolka Labbiska Kaddib Ciyaartii Manchester United? – Ilamada Ayuu Xajisan Kari Waayey

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ka dhex ooyay qolka labbiska ee kooxdiisa ee gudaha garoonka Old Trafford markii ay dhamaatay ciyaartii ay barbar-dhaca goolal la’aanta ah la galeen Manchester United.

Sida uu qoray wargeysa The  Sun, tababaraha Liverpool ayaa ilamada xajisan kari waayey, isla markaana ilmeeyey isaga oo hor taagan ciyaaryahannadiisa, markaas oo uu si gaar ah uga cabanayey xiddig ka tirsan kooxdiisa oo uu saluugay qaabkii uu u ciyaaray.

Liverpool oo lumisay laba dhibcood oo muhiim ah ciyaartaas, kana faa’iidaysan kari wayday Manchester United oo saddex ciyaartoy ka dhaawacmeen qaybtii hore, sidoo kalena uu dhaawac-ciyaarayey Marcus Rashford, ayaa waxay hal dhibic oo kaliya hoggaanka kaga haysaa Man City.

Daqiiqaddii 72aad ee ciyaartaas, waxa waxa uu Klopp garoonka ka saaray kabtanka kooxdiisa Jordan Henderson, waxaana si muuqata oo ay kamaraduhu hayaan ay ugu murmeen bannaanka markii uu laacibkani dibedda usoo baxay.

Wargeyska The Sun waxa uu tibaaxay in markii qolka ay galeen ciyaaryahannadu ee ay alaabahooda ka xidhxidhanayeen Old Trafford inuu hadal kooban u jeediyey tababare Klopp, laakiin ay dhibtay falcelintii uu ku sameeyey Henderson markii uu soo beddelay.

Tababarraha ayaa u sheegay ciyaaryahannadiisa inay si liidata u ciyaareen oo ay lumiyeen fursad dahabi ah, waxaase ay ciyaartoygu ku war heleen iyadoo indhihiisa ilmo ka daadanaysa, isla markaana uu gocanayo hab-dhaqankii Henderson.

Warku waxa kale oo uu intaa ku daray in tababaraha ay sidoo kale isku dhaceen Sadio Mane oo hadallo taagtaagan ay isweydaarsadeen.

Si kastaba ha ahaatee, Jurgen Klopp ayaa markii ay  xaaladdu yara degtay hro tegay warbaahinta, waxaana uu qirtay inuu aad uga xumaaday sidii ay ciyaartoygiisu ula ciyaareen Manchester United, laakiin wuxuu tibaaxay inuu deggan yahay, kuna dedaali doonaan inay Watford ku garaacaan kulanka Arbacada, ka hor inta aanay usbuuca dambe iska hor imanin Everton.