MEE RONALDO? Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Qaaradda Yurub Oo Lionel Messi & Mbappe Isku Eryanayaan Iyo Cristiano Ronaldo Oo Hoos U Degay

Waxa meel xaasaasi ah maraya tartanka loogu jiro kabta dahabka ee gool-dhalinta qaaradda Yurub, waxaana hoggaanka laga furfuri kari la’yahay laacibka reer Argentine ee afka hore uga ciyaara Barcelona ee Lionel Messi.

Dhamaan ciyaaryahannada qaaradda Yurub, waxa hormood u ah Lionel Messi, waxaase ku daba shidaya da’yarka reer France ee Kylian Mbappe oo kooxdiisa PSG ka caawiyey inay sii dheeraysato hoggaanka horyaalka Ligue 1.

Cristiano Ronaldo ayaa hoos u dhacay markii uu shabaqa taaban kari waayey kulankii usbuucan, hase yeeshee da’yarka AC Milan ee Krzysztof Piatek ayaa kusoo dhawaaday oo doonaya inuu ka garbiyo booska kaalinta saddexaad.

Lionel Messi ayaa dhaliyey 25 gool muddo 25 ciyarood ah oo uu saftay, waxaanu haystaa 50 dhibcood, halka Kylian Mbappe uu 25 kulan kulan gudahood ku dhaliyey 22 gool, haysatana 44 dhibcood.

Ronaldo oo ciyaartii BOlogna soomanaa ayaa haysta 19 gool iyo 38 dhibcood, waxaana uu u muuqdaa in gebi ahaanba aanu la tartami karin Messi oo waqtigii uu joogay Real Madrid uu halgan adag la geli jiray.

Laacibka ay AC Milan bishii January kasoo iibsatay Genoa eee Krzysztof Piatek ayaa waxa uu leeyahay 18 gool iyo 36 djjoncppd. waxaase min hal gool iyo laba dhibcood ka dambeeye Edinson Cavani, Sergio Aguero, Fabio Quagliarella iyo Mohamed Salah.

Luis Suarez oo Barcelona ah, Nicolas Pepe oo Lille u ciyaara iyo Duvan Zapata oo Atalanta ka tirsan ayaa min 16 gool dhaliyey.

Liiska kala sarraynta gool-dhalinta horyaallada Yurub

Kaalinta Ciyaarta Kooxda Goolasha Dhibcaha
1 Leo Messi Barcelona 25 50
2 Kylian Mbappé PSG 22 44
3 Cristiano Ronaldo Juventus 19 38
4 Krzysztof Piatek Genoa/AC Milan 18 36
5 Edinson Cavani PSG 17 34
6 Sergio Agüero Manchester City 17 34
7 Fabio Quagliarella Sampdoria 17 34
8 Mohamed Salah Liverpool 17 34
9 Luis Suárez Barcelona 16 32
10 Duván Zapata Atalanta 16 32
11 Nicolas Pépé Lille 16 32