Mesut Ozil Oo Saddex Kalmadood Ka Yidhi Wacdarihii Cristiano Ronaldo Ku Dhigay Atletico Madrid

Kubbad-sameeyaha Arsenal ee Mesut Ozil ayaa xalay waqti siiyey daawashada ciyaartii dhex martay Juventus iyo Atletico Madrid, waxaana markii ay dhamaatay uu si layaab leh uga hadlay wacdarihii uu Cristiano Ronaldo dhigay.

Ozil oo waqti ay kusoo wada qaateen Cristiano Ronaldo garoonka Bernabeu ee Real Madrid, ayaa ahaa saaxiibbo aad iskugu dhow, waxaana uu laacibka reer Portugal ka sheekeeyey qisooyin ku dhex maray qolka labbiska iyo sidoo kale inuu baray Aayado ka mid ah quraanka kariimka sida Suuradda ‘AL-FATIXA’, hase yeeshee Ozil ayaa 2013 qaatay go’aan uu kaga tegayo Los Blancos isaga oo ku biiray Arsenal, halkaas ayaanu ku go’ay xidhiidhkii joogtada ahaa iyo qolkii labbiska ee ay wadaagayeen.

Inkasta oo ay labada kooxood kala joogaan, haddana Ozil ayaa xalay muujiyey inuu Ronaldo yahay saaxiibkii, kaddib markii uu si dhamaystiran u daawaday ciyaartii Juventus 3-0 kaga adkaatay Atletico Madrid ayna ugu gudubtay wareegga siddeed dhamaadka.

Altetico Madrid oo ciyaartii hore kusoo adkaatay 2-0 ayaa loogu beddelay 3-0, waxaanay natiijada guud ee isku-darka labada lugood ay noqotay 3-2 ay Juventus kusoo gudubtay.

Cristiano Ronaldo oo ahaa halyeyga garoonka ayaa saddexda goolba u dhaliyey Juventus, waxaana uu sidoo kale ahaa khatar joogto ah oo intii ay ciyaartu socotay ay aad iskaga ilaalinayeen difaaca Atletico Madrid.

Markii ay ciyaartu dhamaatay, Ozil ayaa bartiisa bulshada ee Twitterka ku amaanay waxqabadka Ronaldo, waxaana qoraal saddex kalmadood ah uu ku yidhi: “Waa cajiib bandhigga @Cristiano”.

Halkan ka akhriso farriintii Ozil