Miyey Liverpool Ku Farxi Doontaa Dhibaatada Man City? Xiddigo Muhiim Ah Oo Dhaawacyo Kaga Maqnaan Doona Toddobaadyo

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa shalay ku guuleysatay koobka Carabao Cup oo markii labaad oo xidhiidh ah ay gacanta ku dhigtay, kaddib markii ay rikoodheyaal kaga adkaatay Chelsea.

Farxadda guusha ee ciyaartan, waxa Manchester City u garab socotay musiibo dhaawacyo ah oo kasoo gaadhay laba ciyaartoy oo udub-dhexaad u ah, kuwaas oo toddobaadyo ka maqnaan doona garoomada.

Kooxda tababare Pep Guardiola oo hoggaanka horyaalka Premier League ka hal dhibic ay Liverpool kaga hayso ayaa waxay bishii December la kulantay guul-darrooyin lama filaan ahaa, waxaana xilligaas ay u muuqatay naadi aan waxba iska dhicin karin, sababtuna waxay ahayd inuu ka dhaawacnaa xiddiga reer Brazil ee Fernandinho oo cid booskiisa u buuxisa uu tababaruhu ka dhex waayey naadigiisa oo dhan.

Waxa uu Pep booskaas dhexe ee kubbad-burburinta uu ku tijaabiyey Gundogan iyo Stones oo dhamaantood ku fashilmay, haddana tijaabadii oo kale ayaa uu geli doonaa Guardiola maadaama uu waayayo Fernandinho oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii xalay oo la saaray dhamaadka qaybtii labaad ka hor intii aan waqti dheeraad ah lagu darin, waxaana lagu beddelay Danilo.

Dhaawaca Fernandinho waxa kasii horreeyey Aymeric Laporte oo qaybtii hore uu dhaawac soo gaadhay, laguna beddelay Kompany waqtigii nasashada.

Nizaar Kinsella oo ka tirsan warbaahinta ciyaaraha ee GOAL, ayaa waxay sheegtay in tababare Pep Guardiola uu sheegay in toddobaadyo ay labadan ciyaartoy garoomada ka maqnaan doonaan, isla markaana uu dhaawacoodu culus yahay.

Inkasta oo aan weli dhakhaatiirtu war rasmi ah kasoo saarin, haddana Nizaar Kinsella ayaa kasoo xigatay tababare Pep Guardiola in waqtiga ay jiifayaan uu toddobaadyo noqon doono.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawacyadan ayaa kusoo beegmay xilli xaasaasi ah oo hoggaanka horyaalka Premier League ay isku eryanayaan Liverpool oo  hal dhibic ka horreysa.