Mucjisada Ajax Oo Magaalada London Ku Burburisay Tottenham Oo Garoonkeeda Joogta, Indho-sarcaadkii Van de Beek Iyo Spurs Oo Rajadeedu Xun Tahay

Kooxda Ajax ayaa halkeeda ka sii waday layaabkii ay xili ciyaareedkan soo waday waxayna garoonkeeda ku soo garaacday Tottenham. Ajax ayaa awooday in ay faa’iido wayn sii heshay ka hor kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka UEFA Champions league ee ay Tottenham soo dhawayn doonto.

Ajax ayaa laba faa’iido oo waa wayn ka heshay kulankii Tottenham iyada oo faa’iidada kowaad tahay in ay guul ka soo gaadheen Tottenham halka faa’iidada labaad ay tahay in ay Ajax wax goolal ah la soo kulmin taas oo Tottenham xaalad xun ku abuuri doonta kulanka lugta labaad ee Netherlands ka qabsoomi doona.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

AJAX (4-2-3-1): Andre Onana; Joel Veltman, Matthijs De Ligt, Daley Blind, Nicolas Tagliafico; Lasse Schone, Frenkie De Jong; Hakim Ziyech, Donny Van de Beek, David Neres; Dusan Tadic.

Kaydka: Bruno Varela, Daley Sinkgraven, Klaas-Jan Huntelaar, Noussair Mazraoui, Lisandro Magallan, Kasper Dolberg, Dani De Wit

TOTTENHAM (5-3-2): Hugo Lloris; Kieran Trippier, Davinson Sanchez, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Danny Rose; Victor Wanyama, Christian Eriksen, Dele Alli; Lucas Moura, Fernando Llorente.

Kaydka: Paulo Gazzaniga, Juan Foyth, Kyle Walker-Peters, Ben Davies, Eric Dier, Oliver Skipp, Moussa Sissoko.

Kooxda Ajax ayaa ciyaarta ku bilaabtay dardar cajiib ah waxayna Tottenham ku abuurtay argagax iyo waliba in ay cadaadis badan ku saartay in ay Spurs oo garoonkeeda joogtay ay difaacasho ciyaarta ku bilaabtay waxayna Ajax u muuqatay mid kalsooni badan garoonka la soo gashay.

Daqiiqadii 15 aad Ajax ayaa si layaableh u keensatay goolkeeda furitaanka kadib markii ay Tottenham kaga naxsadeen kubbad hal-ka-laba ah waxaana goolka Tottenham kali ugu soo baxay van de Beek kaas oo helay fursad uu laba jeer ku waabiyay goolhaye Lloris iyada oo caawinta goolkan uu sameeyay xidiga saamaynta badan ee Ziyech waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Ajax hogaanka kula wareegtay.

Tottenham ayaa dhex gashay xaalada jaho wareer ah waxayna Ajax ka fikiraysay sidii ay goolka labaad ku keensan lahayd iyada oo ay Tottenham ku adkaatay in ay kubbada gaadhsiin karto weerarka kooxdeeda.

Daqiiqadii 39 aad xaalada Tottenham ayaa sii xumaatay kadib markii uu dhaawac halis ahi soo gaadhay difaaca dhexe ee J. Vertonghen waxaana Pochettino qasab ku noqotay in uu ciyaarta soo galiyay M. Sissoko.

Dhawr jeer ayay Tottenham dhamaadkii qaybtii hore heshay fursado kubbado madax ah oo ay gool ku keensan kartay laakiin waxay qaybtii hore ku dhamaatay 1-0 ay Ajax hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Tottenham soo laabtay iyada oo dar dar fiican ku socotay waxayna markan culayska saartay Ajax oo ugu danbayn dareentay in ay marti ku ciyaarayso laakiin dhamaystir xumo wayn oo Tottenham haysata ayaa Ajax ka caawisay ina y hogaanka ciyaarta sii haysatay.

Tottenham ayaa fursado badan abuurtay laakiin dhibaatada ugu wayn ayaa ahayd in xidigihii gool dhalinta u qaabilsanaa ee Son iyo Harry Kane ay si wayn u tabeen laakiin Ajax ayaa iyaduna iska lumisay fursado ay ciyaarta si buuxda ugu dili kartay.

Daqiiqadii 78 aad BIRTA GOOLKA!! Ajax ayaa weerar layaableh soo dhisatay waxayna si cad ugu muuqdeen in ay goolkooda labaad helayaan laakiin darbadii uu goolkan ku dhalin lahaa Neres ayaa birta goolka ka soo booday iyada oo Hugo Lloris uu daawanayay kubbada oo dhaaftay!.

Tottenham ayaa dhamaadkii ciyaarta dagaal wayn u gashay sidii ay goolka barbaraha u keensan lahayd, laakiin Ajax ayaa si adag u difaacanaysay isla markaana wali raadinaysay goolka labaad ee ay doonaysay in ay xaalada ugu sii xumayso Spurs.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Ajax ku soo garaacday Tottenham iyada oo waliba kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka UEFA Champions league lagu ciyaari doono garoonka kooxda Ajax oo haddaba faa’iido wayn sii heshay.